Naadiga Arsenal oo baahi weyn u qabto daafac dheeraad ah ayaa ku talo jirto inay kasoo qaadato dhigeeda Tottenham Vlad Chiriches kaasi oo ku wanaagsan daafaca dhexe sidoo kalena lanbada garbood ka cayaari karo.
Madaama inta badan Arsenal xili cayaareedkan daafacyadeeda muhiimka ah sida Kieran Gibbs, Mathieu Debuchy iyo Laurent Koscielny ay dhaawac waqtigooda ku qaateen wuxuu macalin Arsene Wenger doonayaa inuu qaab amaah kusoo qaato Vlad Chiriches.
25-jirkan u dhashay dalka Romania kaliya labo kulan ayuu kooxda Tottenham xili cayaareedkan u cayaaray EPL mana ka mid ah xidigahan uu macalin Mauricio Pochettino ku tashto.
Sidaa darteed Arsenal ayaa ku kalsoon inay dhigeeda Tottenham ka heli doonto daafacan inkastoo labadan naadi uu xifaaltan ada ka dhaxeeyo.
Wararka ayaa intaas ku daraayo in macalin Wenger uu doonayo inuu kooxda Tottenham siyaasad dagan kula dhaqmo kana dhaadhacsiiyo inay hada kadib labadan naadi xidigo is dhaasfadaan ama ay kala iibsadaan.