Home » Horyaalada » Bundesliga » Arsenal Oo La xariirtay Naadiga Dortmund Si Looga Iibiyo Ilkay Gundogan

Arsenal Oo La xariirtay Naadiga Dortmund Si Looga Iibiyo Ilkay Gundogan


Gundogan

Kadib markii maamulka kooxda Dortmund ay shaaca ka qaadeen inaysan jirin si toos ah ugala soo xariirtay arimaha Ilkay Gundogan.

Kooxda Arsenal ayaa qaaday talaabo wanaagsan waxayna fariin toos ah u dirtay naadiga reer Jarmal ayadoo dooneyso inay xagaagan ku guuleesato saxiixa kubad qaabeeyahan tayada wanaagsan.

Arsenal ayaa ku kalsoon inay loolanka Gundogan kaga guuleesan karto labada naadi ee ka wada dhisan madaama Manchester.

Man United qorshaheeda wuxuu yahay marka uu xili cayaareedkan dhamaado inay dalab rasmi ah u dirto Dortmund balse haatan United lama filaan ayay ku noqotay in Arsenal ay hormar ka sameesay sidii ay Gundogan gacanta ugu soo dhigi laheyd.

Dhanka kale warar ka imaanayo dalka Jarmalka ayaa sheegayo in Arsenal iyo Atletico Madrid ay haatan ugu horeeyaan saxiixa Gundogan madaama ay labadan naadi la xariireen maamulka iyo qoyska xidigan.

Balse labadan naadi tilaabo dheeraad ah masii qaadi karaan ilaa Gundogan uu ka hadlo lamana sheegi karo kooxda uu xagaagan dooran doono inuu ku biiro taasi oo ka dhigan in go’aan walbo uu isaga saameyn ku yeelan doono.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>