Maalin wanaagsan dhamaan akhrsitayaasha Shabakadda Hiilkubad ee ciyaaraha, waa xiligii aad nooga barateen inaan idiin soo gudbino wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Waxaan soo aruurinay wararkii ugu dambeeyay oo ay qoreen warbaahinta kubada cagta, dhamaan wararka xanta ah ee aan soo gudbineyno waxaan u xaglin doonaa halkii aan kasoo xiganay masuulna kama noqon doono dhabnimada ama xaqiiqada warkaas.
Hadaba Maanta oo Sabti ah wararkii ugu dambeeyay ee la isla dhexmarayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxaa ka mid ah:
Tababaraha West Brom Tony Pulis ayaa kula taliyay da’yarka England Saido Berahino kula taliyay inuusan ku deg-degin ka tagidda kooxdiisa isla markaana uu hormarkiisa kusii wato West Brom.
Waxaa Qoray: Birmingham Mail
Manchester City ayaa ugu cad-cad loolanka loogu jiro da’yarka kooxda Liverpool Raheem Sterling waxeyna ku baadi goobeysaa 45 Malyan Oo Pound.
Waxaa qoray: Daily Mail
Arsenal ayaa wali wada qiimeyntii ay ku heysay weeraryahanada kooxda Lyon Alexandre Lacazette iyo Nabil Fekir iyadoo dooneysa iney xagaagan lasoo saxiixato.
Waxaa qoray: Daily Star
Wakiilka Robin Van Persie ayaa maanta mustaqbalka xidigaan kala hadli doona kooxda United xili aan la ogeyn waxa uu ku dambeyn doono mustaqbalka xidigaan.
Waxaa qoray: The Sun
Arsenal ayaa diyaar u ah iney 25 Malyan Oo Pound kusoo xerogaliso Morgan Schneiderlin, taasoo Southampton faa’ido u ah madama ay lacagahaas qaarkood u adeegsan doonto saxiixa Alderweireld oo ay amaah kaga heystaan Atletico Madrid.
Waxaa qoray: Telegraph
Emmanuel Adebayor ayaa mustaqbalkiisa go’aan ka gaari doona isbuuca soo socda inkastoo ay u badan tahay inuu isaga tagi doono Spurs.
Waxaa qoray: The Sun