Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Lacago Badan Ku Dooneyso Xidiga Real Madrid Ka Tirsan Asier Illarramendi

Arsenal Oo Lacago Badan Ku Dooneyso Xidiga Real Madrid Ka Tirsan Asier Illarramendi


Illara

Wargeska Metro ayaa sheegay in kooxda Arsenal ay haatan diirada saartay sidii ay xagaagan kula soo saxiixan laheyn kubad bur buriyaha Real Madrid Asier Illarramendi.

Xidigan dhalinta yar waxaa ku adkaatay inuu boos joogto ah ka helo labada sano ee uu garoonka Bernabue ku sugan yahay sidaa darted diyaar ayuu u yahay inuu xagaagan caasimada Spain isaga hayaamo.

Balse Arsenal qiimo jaban kuma soo laadan doonto Asier Illarramendi wuxuuna wargeske Metro sheegay £28.9m waayo Real Madrid iyada ayaa lacago badan kusoo iibsatay xidigan dhalinta yar.

Asier Illarramendi wuxuu dhib ku qabay Kroos, Luka Modric iyo Isco sidoo kalena bilawgii sanadkan Real Madrid waxay lasoo saxiixatay Lucas Silva sidaa darteed laacibkan joogis uma taalo.

Kaliya 7-kulan ayaa lagu soo bilaabay Asier Illarramendi La Ligaha Spain wuxuuna wargeska Metro sheegay in 25-jirkan uusan shuruudo badan ku xiri doono dalabka Arsenal madaama uu aaminsan yahay inuu boos joogto ah ka heli karo Waqooyiga London.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>