Kooxda Arsenal ayaa ku warantay iney qorsheyneyso soo xerogalinta daafaca reer Ingiriis ee kooxda Manchester United Cris Smalling marka uu dhamaado xagaagan.
Kooxda Waqooyiga London ka dhisan ayaa diyaar u ah iney miiska u saarto dhigeeda Manchester United aduun lacageed gaaraya 12 Malyan Oo Pound.
Arsene Wenger ayaa soo cusbooneysiiyay xiisaha uu xidigaan u qabay, inkastoo ay jiraan warar hoose oo sheegaya in kooxda United ay xidigaan heshiis cusub ku abaalmarin doonto dhawaan.
Smalling kaliya 12-bilood ayaa kaga haray heshiiska uu kula jiro kooxdiisa Manchester United, balse Louis Van Gaal ayaa doonaya inuu xidigaan sii heysto madama uu haatan ka mid yahay daafacayada ugu muhiimsan kooxda.
Mustaqbalka Smalling ayaa shaki gali kara kaliya marka uu Van Gaal helo Mats Hummels oo uu si ba’an u doonayo walow xidigii hore Fulham uu qudhiisa muhiim yahay.
Ugu dambeyntii Smalling ayaa sanadii 2010 kusoo biiray kooxda Manchester United isagoo kaga yimid kooxda Fulham aduun dhan 10 Malyan Oo Pound ayuuna ku yimid Old Trafford.