Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Saraakiil U Dirtay Dalka Jarmalka Si Ay Qiimeyn Ugu Sameeyaan Tayada Christoph Kramer

Arsenal Oo Saraakiil U Dirtay Dalka Jarmalka Si Ay Qiimeyn Ugu Sameeyaan Tayada Christoph Kramer


Christoph Kramer

Kooxda Arsenal ayaa dalka Jarmalka u dirtay saraakiil qiimeyn ku sameyso tayada uu leeyahay xidiga xulka Jarmalka iyo naadiga Monchengladbach khadka dhexe kaga cayaaro Christoph Kramer.

Laacibkan tayada wanaagsan waxaa milkiyadiisa iska leh naadiga Bayer Leverkusen balse labadii sano ee ugu dambeesay kooxda Monchengladbach ayuu amaah kula joogay, madaama uu hormar wanaagsan sameeyay sidoo kalena uu xulka Jarmalka koobkii aduunka kula guuleestay Arsenal ayaa dooneyso inay lasoo saxiixato.

Arsenal ayaa dooneyso inay bisha Janaayo Kramer lasoo saxiixato waxayna bixin doontaa €15m oo ah qiimaha qandaraaskiisa lagu jebin karo sidoo kalena wafdiga ay dalka Jarmalka u dirtay ayaa qiimeyn gaar ah xidigan ku sameyn doonaan todobaadyada nagu soo fool leh.

23-jirkan sidoo kale waxaa saxiixiisa ku raad joogaan kooxaha Liverpool, Real Madrid, AC Mila iyo Man United balse ilaa haatan Arsenal ayaa hormar wanaagsan ka sameesay saxiixiisa marba hadii ay dalka Jarmalka u dirtay saraakiil qiimeyn ku sameeyaan qaab cayaaareedkiisa kadibna kooxda Leverkusen ayay kala hadli doontaa qaabkii looga iibin lahaa Kramer.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>