Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Sedex Laacib Dooneyso Inay Lasoo Saxiixato Horaanta Sanadka Cusub

Arsenal Oo Sedex Laacib Dooneyso Inay Lasoo Saxiixato Horaanta Sanadka Cusub


morgan-schneiderlin-southampton_3005500

Macallin Arsene Wenger ayaa damacsan inuu buuxiyo dul duleelada haatan kooxdiis Arsenal ka muuqdo wuxuuna si gaar ah maamulka Gunners-ka kala hadlay qaabkii loogu soo iibin lahaa sedex laacib.

Madaama Arsenal dhibaato xoogan ka qabto daafaca dhexe waxay kooxdan dooneysaa inay bisha Janaayo lasoo saxiixato Fabian Schar oo daafaca dhexe kaga cayaaro naadiga FC Basel , wargeska Daily Star ayaa sheegay in Arsenal xidigan £10 million ku qaadan doonto.

Sidoo kale Chris Smalling oo isagana Man United ka tirsan ayaa safka hore kasoo galay daafacyada Arsenal dooneyso hadii ay Smalling saxiixiisa ay ku guul dareesato waxayna Arsenal diirada saari dooontaa qaabii ay kula soo saxiixan laheed daafacyada kala ah Virgil van Dijk (Celtic) iyo Ron Vlaar (Aston Villa) midkood.

Ugu dambeyntii Arsenal waxay ahmiyad gaarah siin doonta Morgan Schneiderlin oo khadka dhexe kaga cayaaro Southampton  balse Arsenal si sahlan laacibka reer France garoonka Emirates kuma keeni doonto madaama kooxdiisa Southampton xidigan tayada wanaagsan dul dhigtay £28M.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>