Inkastoo macalin Arsene Wenger uu sheegay in kooxdiisa Arsenal ay si degan suuqa Yurub uga dukaameesan doonto bisha Janaayo hadana waxaa la sheegay in kooxdan ay qorshe sii dhigatay.
Wuxuuna qorshahan ku qotomaa in sedex ka mid ah xidigaha haatan ku sugan garoonka Emirates la fasixi doono waxayna xidigahaas kala yihiin: Joel Campbell, Lukas Podolski iyo Tomas Rosicky.
Geeska kale Arsenal ayaa dooneyso inay badalka xidigahan bisha Janaayo lasoo saxiixato madaama tababare Wenger uusan rabin markale in kooxdiisa cayaartooy yari ay soo wajaho.
Waxayna Arsenal calaameesatay inay bisha Janaayo lasoo saxiixato Lars Bender oo khadka dhexe kaga cayaaro Bayer Leverkusen.
Jackson Martinez oo weerarka kaga cayaaro naadiga FC Porto iyo Fabian Schar oo daafaca dhexe kaga cayaaro naadiga FC Baseil.
Inkastoo qorshaha Arsenal uu cad yahay hadana sedexdaan xidig lacago aad u sareeyo ayay kooxadooda ku doonayaan midaas ayaa macquul ah in qorshaha Wenger ay dhaawacdo.