Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Shaacisay Iney 30 Malyan Ku Qarash Gareyn Doonto Heshiisyada Wanyama & Mitrovic

Arsenal Oo Shaacisay Iney 30 Malyan Ku Qarash Gareyn Doonto Heshiisyada Wanyama & Mitrovic


Wanyama

Arsenal ayaa qorsheyneysa iney sameyso laba saxiix oo muhiim ah marka u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyadoo soo xerogalineysa Victor Wanyama Iyo Aleksandar Mitrovic.

The Sun ayaa warkaan baahisay maanta Wenger ayaana diyaar la ah inuu bixiyo aduun dhan 30 Malyan Oo Pound si uu u helo labadaan xidig.

Sida la aaminsan yahay Wanyama ayaa ka tagaya Southampton marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan, isagoo doonaya inuu ku biiro afarta koox ee ugu sareysay EPL-ka ama Spurs, sidoo kalana waxaa jirta in Arsenal ay wakiilo soo qiimeya ciyaartiisa u dirtay Mitrovic.

Victor Wanyama waxaa lagu qiimeyaa 20 Malyan Oo Pound, halka xidiga Anderlecht Aleksandar Mitrovic isna lagu qiimeeyo 10 Malyan Oo Pound.

Ugu dambeyntiina Wanyama waa burburiye halka Mitrovic uu yahay weerar aad loola barbardhigo halyeyga Chelsea Didier Drogba.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>