Arsenal ayaa gaartay guul muhiim ah oo qurux badan iyadoo ku sugan gurigeeda Emirates, Liverpool ayeyna 4-1 ku garaaceen.
Guushaan waxey Arsenal siineysaa fursad fiican oo ay ugu dagaalami karto hanashada EPL-ka madama ay afar dhibcood u jirto hogaanka horyaalka, Walow Chelsea ay goor dhaw la ciyaari doonto Stoke City sidoo kalana ay kulan baaqi ah gacanta kusii heysato.
Arsenal oo kaashaneysa Jamaahiirteda ayaa si qurux badan iyo isku dhiib-dhiib ku bilowday ciyaarta waxeyna durba bilaabeen iney cadaadis saaraan goolka Livepool.
Santi Cazorla ayaa tijaabiyay goolka Liverpool daqiiadii 3-aad ee ciyaarta markii uu kubad joog hoose ahla beegsaday goolka balse goolhaye Mignolet ayaa si fiican u qabsaday.
Kolo Toure ayaa si fool xun kubad ugu dhiibtay Ramsey oo goolka u dhawaa, si qurux badan ayuu xidiga reer Wales kubada ula galay goolka kubadii uu goolka aadiyayna waxaa beeniyay Mignolet, Cazorla ayaa mar kale fursad u helay inuu kubada shaqa taabsiiyo balse xidigii qaladka galay ee Toure ayaa si hal-haleel ah u badbaadiyay.
Liverpool ayaa heshay nafis yar oo ay isku fahmaan waxeyna kala furfureen Arsenal oo jahada ka qastay daqiiqadihii ugu horeeyay.
Wiilasha Reds ayaa weerar xowli ah ku qaaday goolka Arsenal, inkastoo ay wax ka yar daqiiqad ku sugnaayeen agagaarka goolka Arsenal hadana uma suuragalin iney shabaqa gaaraan waxeyna dhaafi waayeen daafaca.
Raheem Sterling ayaa gaari waayay kubad kaga timid Lazar Markovic oo u baahneyd in goolka lagu taabto cidna kaam xigin goolka inkastoo ay xusid mudan tahay in la xuso Coutinho uu ahaa mucjisadii kubada markii hore sida lama filaanka ah u gaarsiisay Markovic.
Raheem Sterling oo ah weerarka kaliya ee Liverpool kusoo bilowday aaya mar kale u dhawaaday inuu shabaqa soo taabto markii uu kubad ka helay Coutinho, meel ka baxsan xerada ganaaxa ayuuna goolka ka toogtay iyadoo ay u furneed inuu gudaha u galo daqiiqadii 24-aad.
Hector Bellerin ayaa hogaanka u dhiibay Arsenal daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta isagoo si qurux badan lugta bidix ugu dhameystiray kubad uu la galay goolka Liverpool.
Mesut Ozil ayaa gaaray shabaqa Liverpool, markii uu kubad qurux badan oo laad xor aheyd dhex dhigay goolka daqiiqadii 40-aad.
Rajadii Liverpool ay ka laheed iney soo rogaal celiso waxaa dhulka la galay Alexis Sanchez oo dabayaaqadii qeybta hore ciyaarta kubad qurux badan shabaqa dhex dhigay.
Qeybta hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Arsenal iyadaana laheyd gacanta sare qeybta hore.
Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay Sturridge ayaana badal kusoo galay ciyaarta Markovic ayaana qolka labiska lagu badalay.
Goolhaye Mignolet ayaa badbaadiyay kubad halis aheyd oo goolka u socotay Giroud ayaana si qurux badan u madaxeeyay waxeyna noqon laheyd goolkii Afaraad ee Arsenal si habsami leh ayuuna banaanka ugu saaray daqiiqadii 55-aad ee ciyaarta.
Emre Can ayaa u dhawaaday inuu dhaliyo gool nafta kusoo celiyo Liverpool, markii uu kubad gaadmo ah goolka la eegtay daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta balse goolhaye Ospina ayaa ka diiday.
Jordan Henderson ayaa dhameystiray gool ku laad loo dhigay daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta markii Hector Bellerin uu xerada ku riday Sterling wuxuuna ahaa gool soo celiyay rajadii Liverpool ay kulankaan ka laheed.
Emre Can ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta markii isagoo jaale qaba uu ku gardarooday Welbeck, waana sheeko u xun Liverpool madama uu ganaax kaga maqnaan doono kulanka xiga.
Olivier Giroud ayaa goolkii afaraad oo ahaa kii istaaga ka riday Liverpool si qurux badan u dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta.
Liverpool ayaa sameysay isku day ay ku dooneyso iney barbaro ku keensato balse waa laga diiday waxeyna ugu dambeyntii natiijada noqotay mid kusoo idlaatay 4-1.
Arsenal ayaa si kumeel gaar ah u dageysa booska labaad ilaa iyo habeenka Isniinta markaas oo ay ciyaareyso Manchester City, waxeyna afar dhibcood u jirtaa hogaanka horyaalka.
MIFRIX GUNERS
4-April-2015 at 4:46 pm
waah waah WAXAAS AYAA NAADIYA ARSEBAL WAXAY KU SOO SOCOTAA KOOBKA WAXAANU FARIIN U DIRAYNAA CHELSEA