Arsenal ayaa mar kale soo rogaal celisay xiisahii ay u qabtay daafaca kooxda Manchester United Cris Smalling iyadoo dooneysa iney bisha January xidigaan kusoo xerogaliso aduun dhan 10 Malyan Oo Pound.
Smalling oo warar xan ah ay tibaaxeen intuu uu suuqa furnaa inuu ku dhawaaday ku biiritaanka Arsenal ayaa hadana go’aansaday inuu iska joogo inkastoo warar qaar ay sheegayaan in labada kooxood ay isku maandhaafeen iibkii Thomas Vermaelen kaas oo Barcelona laga iibiyay iyadoo Man United ay si ba’an u dooneyso.
Si Kastaba Louis Van Gaal ayaan xidigaan u arkin mid muhiim ah taas ayaana macquul ka dhigi karta in January uu xidigaan u dhaqaaqo garoonka Emirates isagoo halkaas kula biiri doona Danny Welbeck.
Wax dalab ah wali ma aysan sameyn kooxda United, balse Wenger ayaa mudo badan xidigaan taageero u ahaa wuxuuna Smalling u arkaa inuu xal u noqon karo daafaciisa.
Ugu dambeyntii daafacaan reer England ee 24-jirka ah ayaa Old Trafford kaga dhaqaaqi kara kaliya aduun lacageed oo dhan 10 Malyan Oo Pound.