Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo U Ogolaatay Da’yarkeeda Semi Ajayi Inuu Ku Biiro Naadiga Sunderland

Arsenal Oo U Ogolaatay Da’yarkeeda Semi Ajayi Inuu Ku Biiro Naadiga Sunderland


Arsenal-Training-Session

21-jirka u dhashay dalka Nigeria Semi Ajayi ayaa ogolaansho rasmi ah ka helay kooxdiisa Arsenal si uu ugu biiro naadiga Sunderland.

Kooxda Sunderland ayaa shaaca ka qaaday inay lasoo wareegtay Semi Ajayi balse aysan heshiis rasmi ah ka saxiixan doonin ilaa ay ka hubiso waxqbadkiisa cayaareed.

Arsenal ayaa u ogolaatay da’yarkan inuu Sunderland tababar la qaato hadii uu la qabsadana garoonka Light inuu si toos ah uga mid noqon karo Sunderland.

Semi Ajayi ayaa marar badan xili cayaareedkan kursiga keydka Arsenal soo fariistay balse kulan weyn kooxdiisa uma cayaarin wuxuuna qandaraaska Arsenal kula joogay ku egyahay dhamaadka sanadkan.

Semi Ajayi kulankii ugu dambeeyay ee uu cayaaro ayaa ahaa cayaar Arsenal kooxdeeda 21-jirada ah bar bar dhac 0-0 la gashay naadiga Sunderland Isniintii aan kasoo gudubnay.

Semi Ajayi ayaa ka cayaaro daafaca dhexe wuxuuna kooxdiisa Arsenal ka codsaday in la iska fasaxo marba hadii aan fursad loo heynin.

Bixitanka Semi Ajayi ayaa lagu micneeyay in Arsenal ay daafacyo dheeraad ah lasoo saxiixan doonto inta ka harsan bisha Janaayo oo uu suuqa Yurb furnaan doono.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>