Kadib markii ay Arsenal saxiixa goolhaye Petr Cech ku guuleesatay waxay haatan Gunners-ka u weecatay sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd weeraryahanka reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang.
Wargeska The Bild ayaa sheegay in Arsenal ay todobaadkan lasoo xariirtay naadiga Dortmund waxayna kala hadashay qaabkii looga iibin lahaa Pierre-Emerick Aubameyang.
Arsenal ayaa diyaar la ah inay 26-jirkan kula soo wareegto €40 million waana qiimaha ay kooxda Dortmund xidigan tayada wanaagsan kaga samri karto.
Aubameyang ayaa ka mid ah xidigaha ugu xawaaraha sareeyo ee kubada cagta cayaaraan wuxuuna xili cayaareedkii dhawaa noqday xidiga ugu goolasha badan naadiga Dortmund asigoo dhaliyay 25-gool dhamaan tartamada kala duwan.
Macalin Arsene Wenger ayaa taageero u ah Aubameyang wuxuuna doonayaa inuu xili cayaareedka dambe weerarka Gunners-ka hormuud kaga dhigo.
Qaar ka mid ah saxaafada Ingiriiska ayaa qabto Aubameyang inuu noqon karo Theiry Henry-ga cusub hadii uu kubada England imaado lana qabsado kooxda Arsenal.
Madaama xidigan dhalintiisa wanaagsan tahay sidoo kalena uu leeyahay xawaare uu daafacyada kaga awood badan karo xili walbo.