Afar gool oo ka kala timid Walcott, Sancehz, Mertesacker iyo Giroud ayaa Arseanl u sashahay Iney ku guuleysato koobka FA Cupka markii labaad oo xiriir ah.
Arsenal ayaa si qurux badan ku bilowday ciyaarta iyadoo weerarkeeda kusoo bilowday Theo Walcott oo sadexley dhaliyay kulankii ugu dambeeyay horyaalka ee ay qaarijiyeen West Brom.
Aaron Ramsey ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Arsenal daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta markii uu kubad goolka u furneed hawada sare iska mariyay wuxuuna kubadaas ka helay Mesut Ozil.
Laurent Koscielny ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Arsenal markii uu madax awood leh aadiyay goolka balse goolhaye Shay Given ayaa badbaadiyay.
Arsenal ayaa durba fursad kale heshay daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta, Sanchez ayaana si qurux badan kubad karoos aheyd u gaarsiiyay Walcott oo isna si qurux badan goolka ula eegtay balse Richardson ayaa soo badbaadiyay.
Theo Walcott ayaa hogaanka u dhiibay Arsenal daqiiqadii 40-aad ee ciyaarta markii uu si awood leh lugta bidix ugu dhamestiray kubad uu madax ku siiyay Alexis Sanchez.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0, oo ay hogaanka ku heyso Arseanl inkastoo Aston Villa aysan dhaq-dhaqaaq badan sameyn oo ay aheyd koox mar walba iska caabin ku jirtay.
Ramsey ayaa isku dayay inuu hogaanka u dheereeyo Arseanl daqiiqadii 47-aad ee ciyaarta balse kubadii uu goolka aadiyay Shay Given ayaa badbaadiyay.
Alexis Sanchez ayaa hogaanka u dheereyay Arsenal daqiiqadii 50-aad ee ciyaarta isagoo kubad gantaal aheyd oo uu ka tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Shay Given dhex dhigay.
Goolkaan Sanchez ayaana ahaa midkii labaad oo xidig u dhashay Chile uu ka dhaliyo koobkaan FA Cupka, waxaana kaga horeeyay George Robledo oo u ciyaari jiray Newcastle sanadii 1952-dii ayuuna sidaas sameeyay.
Mar kale Arsenal ayaa shabaqa gaartay daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta waxaana si fudud Madax ugu dhaliyay Per Mertesacker isagoo ka dulbooday Benteke.
Saameynta ay garoonka ku laheyd Villa ayaan dhaafsiisneen kubado dhexda lagu baasto iyo iska caabin weerarka Arsenal waxaana mar walba ay ahaayeen kuwo daafaca ku jira.
Gabriel Agbolnahor ayaa lagu riday xerada ganaaxa daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta markii ay kubad ku dagaalameen Coquelin balse garsooraha ayaan u joojin inkastoo uu Tim Sherwood ka carooday go’aankaas.
Mar kale Hector Bellerin ayaa riday Grealish oo ah xidig ka tirsan Aston Villa kaas oo ku sugnaa xerada ganaaxa balse looma joojin.
Olivier Giroud oo badal kusoo galay ciyaarta ayaa goolka afaraad ee Arseanl dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray isagoo caawinaad ka helay Chamberlain.
Natiijada ciyaarta ayaana ugu dambeyn kusoo dhamaatay 4-0, oo ay guusha ku raacday kooxda Arsenal, waxeyna goolasheeda kaga mahad celineysaa Walcott, Sanchez, Mertesacker iyo Giroud, markii labaad oo xiriir ah ayeyna ku guuleysaneysaa koobka FA Cupka.
Ugu dambeyntii Gunners ayaa noqotay kooxda ugu guulaha badan koobka FA Cupka madama ay ka saramartay Man United oo ay wadaageen min 11-koob.