Home » Maxaa Cusub » Arsene Wenger “Garoorayaasha Premiership-ka cadaadiska wuu ka dagay madaama Ferguson meesha ka baxay”

Arsene Wenger “Garoorayaasha Premiership-ka cadaadiska wuu ka dagay madaama Ferguson meesha ka baxay”

Arsene_Wenger_and_Sir_Alex_Ferguson_PicGetty_188214616-415482

Ka hor kulanka garoonka Old Trafford lagu wada balansan yahay macain Arsene Wenger ayaa saxaafada kala sheekeestay dhaxalkii uu Sir Alex Ferguson kaga tagat Premiership-ka wuxuuna macalinka reer France sheegay in garsoorayaasha kulankan adag dhex dhexaadin doonaan ay dareemi doonaan nasiino madaama Ferguson meesha ka maqan yahay wuxuuna Wenger yiri “waxaan u maleynaa in garsoorayaasha kulanka United iyo Arsenal dhex dhexaadan doonaan aysan cadaadis dareemi doonin sidoo kalena dhex dhexaadin kubada ku raaxeesan doonaan madaama uu meesha ka maqan yahay Ferguson” macalin Arsene Wenger ayaa ku kaftamay in Sir Alex u ahaa shaqsi garsoorayaasha cadaadis xoogan saaro.

Kulanka Man United Vs Arsenal waxaa dhex dhexaadin doono garsoore Michael Oliver wuxuuna Wenger sheegay inuu ka rajeynaayo garsoorahan si wanaagsan cayaarta u dhex dhexaadin doono mar hadii uusan kursiga Old Trafford fadhinin Sir Alex wuxuuna Wenger yiri “marnaba garsoore fikrad qaldan kama qaadanin waayo waa shaqsi cayaarta muhiim u ah waxaana ka rajeynaa kulankan adag inuu si wanaagsan u qaban doono” macalin Arsene Wenger ayaa ugu dambeyntii saxaafada u sheegay in Arsenal hadafkeeda uu yahay sidii ay dhigeeda United uga badin laheed balse qorshaheeda ahayn inay Old Trafford hal dhibic kala soo laabato.


Waxaa Aqrisay: (342)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>