Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaan ka qoomameyneynin go’aankii uu ku diiday inuu dib ula soo saxiixdo Cesc Fabregas xagaagan kaas oo ku biiray Chelsea.
Xidiga reer Spain ayaa ku biiray Chelsea, wuxuuna Barcelona kaga yimid aduun dhan 27 Malyan Oo Pound, inkastoo uu kooxda kusoo kordhiyay awood dheeraad ah tan iyo kusoo laabashadiisa EPL-ka.
Fabregas oo sideed sano ku qarash gareeyay inuu ka hoose ciyaaro Arsene Wenger intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2011, ayaa Barcelona ku biiray xiligaas, balse Wenger ayuu lasoo xiriiray markii uu damcay inuu ka tago kooxda Camp Nou ka dhisan inkastoo Wenger uu ku gacan seyray inuu xidigiisa dib ula soo saxiixdo.
“Kama qoomameynayo inaan soo qaadan waayay Cesc, sababtoo ah waan heysanaa xidigo kubad abuurayaal khadka dhexe ah” Ayuu Wenger u sheegay belN Sport.
Arsene Wenger ayaa difacay go’aankiisa iyadoo taageerayaasha Arsenal ay aad uga xumaadeen kabtankoodii hore iyadoo la arkayay taagerayaasha kooxda oo aflagadeynaya xidigaan xili uu koorne ka tuurayay meel aan ka fogeen halka ay garoonka Stamford Bridgte kaga suganaayeen kulankii ugu dambeeyay labada kooxood.