Home » Maxaa Cusub » Arsene Wenger Oo Aaminsan In Arsenal Ay Ku Guuleysan Karto EPL-ka Xili Ciyaareedkaan

Arsene Wenger Oo Aaminsan In Arsenal Ay Ku Guuleysan Karto EPL-ka Xili Ciyaareedkaan


Wenger

Tababaraha reer France ee leyliya kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan in kooxdiisa ay ku guuleysan karto horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkaan xili ay 9-dhibcood haatan ka hooseyaan kooxda Blues oo horkaceysaa horyaalka.

Arsenal ayaa ku fashilantay iney guul ka gaarto kooxaha Leicester City, Everton & Tottenham kuwaas oo ay hal dhibic ka heleen sidoo kale Manchester City oo ka mid ah kooxaha ay aadka u xifaaltamaan iyadoo ay meesha ku jirto in ay guuldaradii ugu horeysay horyaalka kala kulmeen Chelsea todobaadkii ugu dambeeyay.

Iyadoo sidaas ay tahay hadana Wenger wuxuu kalsooni ku qabaa in kooxdiisa ay ku guuleysan karto horyaalka, waxaana xusid mudan in Gunners ay qaaday EPL-ka markii ugu dambeysay sanadii 2004.

“Waa cajiib inaan hooseyno 9-dhibcood, 7-kulan iyadoo la ciyaaray, balse waxaan gabi ahaan isku raacsanahay inaanan lumin” Ayuu macalinka reer France u sheegay belN Sports, “Waxaan aaminsanahay inaan horay u socon karno”

Ugu dambeyntii Arsenal ayaa isku soo noqodka Horyaalka ingiriiska la ciyaari doonta kooxda Hull City Sabtida.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>