Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka reer Jarmal Lukas Podolski uusan meelna kaga socon garoonka Emirates xili xidigaan lala xiriirinayo inuu kooxda isaga tago madama uu lumiyay booskiisa kooxda.
Xidigii hore kooxaha Bayern Munich iyo Koln ayaa ka dhawaajiyay inuu bisha January isaga tagi doono kooxda waxaana lasoo xiriiray kooxo ay ka mid yahiin Inter Milan iyo Juventus oo ka wada dhisan horyaalka talyaaniga.
Si Kastaba 29-jirkaan wali mustaqbalkiisa kooxda ma dhamaan sida uu qiray Wenger oo ah tababaraha kooxda wuxuuna la hadlay Sky Sports isagoo kala cadeynaya mustaqbalka xidigaan.
Dhanka kale Wenger wuxuu shaaca ka qaaday in xidigaan jarmalka ah uu qeyb ka yahay qorshahiisa xili ciyaareedkaan isla markaana uusan kooxda ka dhaqaaqi doonin.
Ugu dambeyntiina Lukas ayaa gunners u saftay kaliya lix kulan, dhamaan tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan taasoo ah inuu badi kursiga daris la yahay.