Weeraryahanka kooxda Arsenal Olivier Giroud ayaa la filayaa inuu kusoo laabto tababarka kooxda isbuuca soo aadan kadib markii xidigaan uu kasoo hormaray waqtigii la filayay kadib jabkii kasoo gaaray lugtiisa kal hore.
Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in Giroud uu kasoo hormaray waqtigiisa, waxaana la filayay in xidigaan uu dib Gunners tababarkeeda ugu soo laabto horaanta bisha January ee sanadka cusub.
Si kastaba Giroud oo ka jabay lugtiisa bidix bishii August kulan ay kooxdiisa barbaro loo rafaaday ka heshay Everton, ayaa haatan dareemaya fiicnaan wuxuuna kaliya xagaagan kooxdiisa u saftay 4-kulan.
Dhanka kale Arsene Wenger ayaa ka saaray kooxda Arsenal ee wajahayesa Swansea City Axada kabtankiisa Mikel Arteta kaas oo dhaawac dhanka muruqa ah uu soo gaaray kulankii Champions League-ga ee Anderletch.
Wenger oo la hadlayay website-ka gaarka ah ee kooxda ayaa yiri: “Arteta wuu maqnaanayaa Axada, dhaawac muruqa ayuu qabaa taasoo mudo gaaban qaadan doonta, balse kadib kulamada qaramada dib ayuu kooxda ugu soo laaban doonaa”
Sidoo kale Wenger wuxuu ka hadlay hadii ay macquul tahay in Jack Wilshere uu kooxda dib ugu soo laabto kulanka Swansea wuxuuan qiray in Jack uu diyaar u yahay Swansea.
“Jack wuu caafimaad qabaa wuuna ka qeyb qaadan doonaa kulanka Swansea City ee Axada”
Dhanka kale Laurent Koscielny ayaa la filayaa inuu kusoo laabto kooxda kadib ciyaaraha qaran ee mudada labada isbuuc ah qaadanaya, inkastoo aan la xaqiijin inuu waqtigaas diyaar yahay.
Ugu dambeyntiian David Ospina, Mesut Ozil iyo Mathieu Debuchy ayaa iyaguna filaneyn iney dhawaan kusoo laabtaan garoomada waxaana laga warsugi doonaa caafimaadkooda tan iyo bisha December.