Home » Maxaa Cusub » Arsene Wenger Oo Suurtogal Ka Dhigay In Kooxdiisa Ay U Dhaqaaqdo Edison Cavani

Arsene Wenger Oo Suurtogal Ka Dhigay In Kooxdiisa Ay U Dhaqaaqdo Edison Cavani


Cavani PSG

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa si ba’an loola xiriirinayay weeraryahanka Paris Saint Germain Edinson Cavani tan iyo markii uu ku biiray xidigaan kooxda reer France.

Warar ka imaanaya gudaha Ingiriiska ayaa sheegaya in kooxda Gunners ay u dhaqaaqeyso xidigaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha January.

Edinson Cavani ayaan ku faraxsaneen inuu u ciyaaro PSG, madama uu dhibsaday ku hoos noolaashaha Zlatan Ibrahimovic oo ah xidiga ugu muuqaalka weyn Zlatan Ibrahimovic, tababare Arsene Wenger ayaana xushmad u haya xidigaan reer Uruguay.

“Dhabtii waan ka helaa xidigaan” ayuu Wenger ugu waramay The Express “Waan jeclahay sida uu u dhaqmo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay tababare Arsene Wenger.

Dhanka kale Maamulka Arsenal ayaa ku waramay iney u duulayaan Paris si ay wadahadalo ula furaan kooxda Paris Saint Germain, iyagoo kala hadlaya saxiixa Cavani kaas oo 55 Malyan lagu qiimeeyo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>