Home » Maxaa Cusub » Arsene Wenger Oo U Jawaabay Zamperini: “Wax Xiiso Ah Uma Qabno Paulo Dybala”

Arsene Wenger Oo U Jawaabay Zamperini: “Wax Xiiso Ah Uma Qabno Paulo Dybala”


Paulo Dybala

Tababare Arsene Wenger ayaa jawaab siiyay madaxweynaha kooxda Palermo Maurizio Zamperini kaas oo sheegay in kooxda Arsenal ay xiiso u qabto da’yarkiisa reer Argentina Paulo Dybala.

Wiilkaan reer Argentina ayaa kasoo hilaacay horyaalka Serie A-da xili ciyaareedkaan, waxaana soo baxayay warar sheegaya in kooxo dhowr ah oo qaarada yurub ahi ay xiiseynayaan oo ay ka mid tahay Arsenal.

Macalinka reer France ee leyliya kooxda Gunners ee ka dhisan waqooyiga London ayaa inkiray iney xiiso u qabaan Paulo Dybala.

“Weydiiya isaga si uu idiin tusiyo dalabka, [Ma jiro xiiso] aan gabi ahaan u qabno Dybala” ayuu yiri Arsene Wenger.

Arsene Wenger ayaa arintaan kusoo hadal qaaday shirkiisii jaraa’id ee ka hor kulanka Liverpool ay sabtida la ciyaari doonaan.

Ugu dambeyntii Liverpool iyo Juventus ayaa kali ku noqonaya loolanka xidigaan inkastoo Dybala uu si aad u xiiseynayo sii joogitaanka Serie A-da.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>