Home » Maxaa Cusub » Arsene Wenger: “Sanchez Wuxuu Isoo Xasuusiyay Ian Wright, Waana Sidiisa Oo Kale”

Arsene Wenger: “Sanchez Wuxuu Isoo Xasuusiyay Ian Wright, Waana Sidiisa Oo Kale”


Arsenal-Training-session

 

Tababaraha reer France ee leyliya kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa amaanay qaab ciyaar iyo asluubeedka xidigisa reer Chile Alexis Sanchez kaas oo bilooyin ka hor kusoo biiray kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Wenger ayaa Sanchez la barbardhigay halyeeygii hore Arsenal iyo xulka Ingiriiska Ian Wright kaas oo la xasuusto waxqabadkiisii kooxda.

Alexis Sanchez ayaa dib ugu soo laabtay Arsenal kadib markii uu dhaawac muruqa ah ku seegay kulankii Tottenham Hotspur ee todobaadkaan bilowgiisi.

“Wuxuu isoo xasuusiyay Ian Wright, waa wiil sida oo kale ah, wuxuuna leeyahay xamaasadii uu lahaa”

“Wuxuu inta badan la sheekeystaa ciyaartoysa Spanishka ah, dabcan waa qof uu jeclaado qof walba waana mid aad u saaxibtinimo badan isla markaana jecel sheekada”

“Wuu ka aamusnaan badan yahay Ian Wright, mana ahan wax dhib badan mana ku helo calaamad”

Si kastaba Sanchez ayaa ka maqnaa kooxdiisa labadii kulan ee ugu dambeeyay kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray, balse Wenger ayaa qiray in soo labashadiisa ay muhiim u tahay kooxdiisa.

“Muhiim ayey noo tahay inuu dib noogu soo laabto, weyna adag tahay marka uu dhaawac muruq ah kusoo gaaro madama laga yaabo inuu waayo inta ka harsan xili ciyaareedka balse waa nin adag isaga”

Ugu dambeyntii Arsenal ayaa dooneysa iney kasoo kabato guuldaradii White Hart Lane iyadoo caawa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta Liecester City.

Wright celebrates the Gunners' FA Cup success over Newcastle at Wembley Stadium in May 1998

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>