Home » Maxaa Cusub » Arsene Wenger “Waan Hubaa 95% In Xidigaheyga Aysan Garoonka Emirates Ka Tagi Doonin Xagaaga Dambe”

Arsene Wenger “Waan Hubaa 95% In Xidigaheyga Aysan Garoonka Emirates Ka Tagi Doonin Xagaaga Dambe”


Wenger

Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa la weydiiyay in xagaaga nagu soo fool leh kooxdiisa qaar ka mid ah xidigaha haatan ku sugan ay ka tagi doonaan.

Wenger ayaa kalsooni weyn muujiyay wuxuuna ka dhawaajiyay in kooxdiisa aysan wax cayaartooy ah fasixi doonin xili cayaareedka dambe balse dhankooda ay awood ahaan is dhisi doonaan

“Haatan lama joogo xili laga hadlaayo mustaqbalka cayaartooyda balse waxaan hubaa 95% dhamaan xidigaha Arsenal ku sugan aysan bixi doonin xagaaga dambe”

“Waxaa muhiim ah inaan ka fikirno sare u qaadista awooda kooxdeena ee ma ahan inaan i weydiisaan inaan cayaartooy fasixi doono”

“Haatan waan ku qanacsanahay bandhiga xidigaheyga iyo dadaalka ay sameenayaan sidoo kalena waxaan ka rajeynaa inay sii wadaan si aan xili cayaareedkan hadafkeena u gaarno”

“FA Cup-ka Semi Final ayaa taaganahay halka horyaalka aan kaalin 3-aadku jirno marka rajada ma xumo waxaana ku kalsoonahay cayaartooydeyda u halgamayaan inay sharafka kooxda difaacaan”

Dhanka kale macalin Arsene Wenger ayaa meesha ka saaray inuu kalsoonida maamulka Gunners-ka lumiyay kdib markii kooxdiisa markale wareega 16-aad ee Champion-ka ku hartay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>