Mashiinka kooxda Juventus Arturo Vidal ayaa ka hadlay isku aad wareega 8-aad ee Champion-ka kadib markii kooxdiisa lagu aadiyay naadiga AS Monaco ee ka dhisan dalka France.
Vidal ayaa ka walaacsan halista kaga imaan karto kooxda Monaco oo wareegii hore soo reebtay naadiga Arsenal sidoo kalena ah koox qaab difaac adag cayaarto.
“Waxaan ku jirnay qolka labiska Juve markii aan maqanay in AS Monaco nagula aadiyay, runtii waa koox awood badan sidoo kalena wax walbo laga ilan karo”
“Ma jirto qof naga mid ah oo ku farxay kadib markii Monaco nagula aadiyay waayo waa kulan dhib badan sidoo kalena waa kulan rajadiisa labada dhinac tahay 50/50″
Juventus haatan 14-dhibcood ayay ku heysaa Serie A-da Talyaaniga waxayna kooxdan qarka u saaran tahay xili cayaareedkan inay ku guuleesato Scudetto.
Sidaa darteed Vidal ayaa doonayo inay todobaadkan ka aargutaan naadiga Genoa oo ah kooxdii wareega hore Juve guuldaro dhadhansiiyay.
“Waa inaan axada garaacnaaa Genoa waayo xarash gaar ah ayaan u heynaa madaama ay tahay naadiga kaliya ee xili cayaareedkan naga badisay waa inaan markooda guuldaro dhabarka u saarino”