Home » Maxaa Cusub » Arturo Vidal Oo Dhaliyay Sadexleydii Ugu Horeysay Taariikhdiisa Kubada Caga

Arturo Vidal Oo Dhaliyay Sadexleydii Ugu Horeysay Taariikhdiisa Kubada Caga

vidal-match-ball490ai

Kubad burburiyaha Juventus ayaa u dabaal dagay sadexleydii ugu horeysay noloshiisa ubada cagta kadib markii uu Juve u sahlay iney 3-1 ku dhaafto kooxda Coppenhegan ee dalka Denmark.

“Waxaan dhaliyay sadexleydii iigu horeysay, waxaan u qaadan doonaa kubada gurigeyga, hadiyad ayaan uga dhigi doona gabadheyda yar anigoo u sheegaya iney xusuus ii tahay” ayuu u sheegay Vidal Sky Sports Italia

Vidal ayaa qaba Kaarka jaalaha waxaana uu halis ugu jiraa inuu seego Kulanka 16-ka Champions Lugta hore hadii ay juve soo gudubto waa hadii uu Vidal qaato kaarka jaalaha Kulanka Galatasaray.

“Kama cabsi qabo inaan qaato jaale ama seego 16-ka, Conte ayaa ii sheegay inaan ciyaari doono hadaan bad qabo muhiimadeena ayaana ah guul” ayuu yiri Vidal.

Ugu dambeyntii Vidal ayaa labadii kulan ee ugu dambeysay ka ciyaarayay booska dambe ee daafaca kadib dhibaatada dhanka daafaca ee Juventus heysata.


Waxaa Aqrisay: (74)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>