Home » Horyaalada » italian Serie A » Arturo Vidal Oo Kusii Jeedo Naadiga Bayern Munich Iyo Saxaafada Chile Oo Warkaan Laga Soo Xigtay

Arturo Vidal Oo Kusii Jeedo Naadiga Bayern Munich Iyo Saxaafada Chile Oo Warkaan Laga Soo Xigtay


Vidal

Saxaafada dalka Chile ayaa baahiyeen warar lama filaan ah kuwaas oo sheegayo in Arturo Vidal uu kusii dhawaanayo ku biiritaanka kooxda Bayern Munich.

Xidigan awooda badan waxaa la sadaalinaa inuusan kooxdiisa Juventus dib ugu soo laaban doonin marka uu soo dhameesto fasaxa uu haatan dalka Chile ku joogo.

Inkastoo 28-jirkan dhawaanahan lala xariirinaayay kooxaha Arsenal, Real Madrid iyo Man United hadana saxaafada Chile ayaa shaaca ka qaadeen in xidigan uu dalabka naadiga Bayern Munich aqbalay.

Wargeska lagu magacaabo La Cuarta wuxuu ka dhawaajiyay in Vidal uu qoyskiisa u sheegay inay isku diyaariyaan u guurista magaalada Munich madaama uu Bayern ku biiri doono.

Vidal ayaa diyaar u ah inuu dib ugu laabto Bundesligaha Jarmalka asigoo ka tirsanaa naadiga Bayer Leverkusen intii u dhaxeesay 2007 ilaa 2011.

Arturo Vidal waxaa lagu qiimeeyaa €40m waana qiimo lacageed oo ay diyaar la tahay Bayern Munich oo dooneyso inay xidigan galis booskii uu baneeyay Bastian Schweinesteiger oo dhawaan naadiga Man United ku biiray.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>