Arturo Vidal ayaa safka hore ka badali doona Andrea Pirlo kulanka ay marti u noqon doonto kooxda Olympiakos kulan ka tirsan Champions League oo habeenka arbacada dhici doona iyadoo Alvaro Morata uu rajeynayo inuu markii ugu horeysay kusoo bilowdo UCL.
Bianconerri ayaa kulankeeda sadexaad la ciyaari doonta Olympiakos iyadoo afarta kooxood ee groupka ay wada leeyahiin min sadex dhibcood waana group qoorta la iskula jiro.
The Gazzetta dello Sport, La Stampa & Tuttosport ayaa isku raacay in bandhigii Pirlo ee kulankii Sassoulo uu keeni karo in Vidal lagu soo bilaabo kulanka Olympiakos.
Arturo Vidal ayaan ka qeyb qaadan kulankii Sassoulo madama tababare Allegri uu shaaca ka qaaday nin xidigaan uu kusoo daalay ciyaarahii qaranka ee labadii isbuuc ee hore la ciyaaray.
Si Kastaba Vidal ayaa dhexda la gali doona Marchisio iyo Pogba halka dhanka kale Alvaro Morata uu rajeynayo inuu markii ugu horeysay kusoo bilowdo isagoo xiran maaliyada Juventus.
LINE UPKA MACQUULKA AH EE JUVE:
Buffon; Ogbonna, Bonucci, Chiellini; Lichtsteiner, Vidal, Marchisio, Pogba, Asamoah; Tevez, Morata