Arturo Vidal oo ay saxiixiisa ku raad joogeen kooxaha Arsenal, Man United, Real Madrid iyo PSG ayaa doortay inuu ku biiro naadiga Bayern Munich.
Sidaa darteed ka hor inta uusan garoonka Allianz Arena gaarin kubad bur buriyahan awooda badan ayaa warqad macsalaamo ah taageerayaasha Juventus u qoray sidoo kalena uga mahad celiyay sidii ay sanado badan u garab taagnaayeen.
Wuxuuna yiri “Waqtigeygii ugu wanaagsanaa Juve ayaan la qaatay shaki la’aan”
“Taageerada ad ii fidin jirteen marwalbo ayaan awood ku yeeshay, dhamaantiina waan idiin xiisi doonaa, waana ku mahad santahiin wax walbo oo aad ii qabateen”
28-jirkan ayaa sanadii 2011 Juve kaga soo biiray naadiga Bayer Leverkusen wuxuuna kula guuleestay 4-horyaal oo xariir ah laakiin haatan wuxuu doortay inuu dib ugu laabto Bundesligaha Jarmalka.
Vidal ayaa kooxda Bayern u buuxin doono booskii uu baneeyay Bastian Shweinesteiger oo dhawaan Man United ku biiray.