Sida ay ka dhawaajisay jariiradda AS ee kasoo baxda dalka Spain kooxda Juventus ee dalka talyaaniga ayaa diyaar u ah iney iska iibiso xidig yaraheeda reer France marka uu dhamaado xagaagan waxeyna ku iibin doontaa lacag dhan 100 Malyan Oo Pound.
Sida ay qoreyso AS, Paul Pogba ayaa kooxdiisa weydiistay in xagaagan la iibiso waxaana isku heysta saxiixiisa sadex kooxood oo kala ah: Paris Saint Germain, Manchester City Iyo Barcelona .
Kooxda ka dhisan magaalad Paris waxey diyaar u tahay iney miiska u saarto Juventus lacagaha ay duldhigtay Juventus, balse City iyo Barcelona waxey doorbidayaan in la dhimo qarashka iyagoo sidoo kale doonaya iney ciyaartoy ka qeyb dhigaan heshiiska ay ku helayaan Paul.
Sidoo kale waxaa la rumeysan yahay in Real Madrid ay aad u xiiseyneyso 22-jirkaan heerka caalami kaas oo haatan ka mid noqday dhalinta ugu wanaagsan dunida dhanka khadka dhexe.
Paul Pogba wuxuu horyaalkii sadexaad la qaadayaa kooxda Juventus, isagoo 2012 kaga yimid kooxda Man United ee dalka Ingiriiska.