Kooxda faransiiska ka dhisan ee As Monaco ayaa ku warantay iney lacago badan ku dooneyso Wayne Rooney, balse sidoo kalana ay diyaar u tahay iney United is dhaafsadaan Rooney iyo Falcao.
Sida ay shaacisay The Express, kooxda Monaco ayaa hamigeedu yahay iney gacanta ku dhigto Wayne Rooney oo ay mudo badan ku raad joogtay iyadoo ka faa’ideysaneysa jaceylka ay United u qabto Falcao iney si toos ah ula saxiixato.
Warar soo baxay isbuucaan ayaa tilmaamayay in Monaco ay dhowr jeer isku dayeen iney lasoo saxiixdaan Wayne Rooney balse ma aysan dhicin, sidoo kalana waxaa arinta sii adkeyn kara heshiiska shanta sano iyo barka ah oo uu saxiixay Rooney dhawaanahaan.
Si Kastaba damaca kooxda Monaco ayaan la ogeyn waxa ka rumoobi kara, waxaana sidoo kale meesha ku jirta in Wayne Rooney uu haatan yahay hogaamiyaha kooxda iyadoo Louis Van Gaal uu u doortay kabtanka kooxda.
Ugu dambeyntii Wayne Rooney ayaa haatan ganaax kaga maqan kooxdiisa madama uu si xun ula dhaqmay Steward Downing oo ka tirsan West Ham kulan dhacay bishii hore oo United ay ku badisay 2-1.