Daafaca kooxda Real Madrid Pepe ayaa qarka u saaran inuu laba sano heshiis dheeraad ah u saxiixo kooxdiisa sida ay qoreyso Jariiradda AS.
Heshiiska uu haatan kooxdiisa kula jiro wuxuu dhamaanayaa June 2016, balse AS oo ah wargeys maalin walba kasoo baxo ayaa daaha ka rogay in kooxda Los Blancos ay dooneyso iney xidigaan kusii heyso Bernabue ilaa 2018.
Sidoo kale Jariiradda AS waxey daaha ka rogtay in Pepe uu ku dhawaaday sanadii 2013 inuu ku biiro kooxda Manchester City, balse Ancelotti ayaa hor istaagay arintaas.
Dhanka kale heshiiska cusub ee Pepe wuxuu fududeyn doonaa in Raphael Varane uu qaato go’aan uu kaga tagayo kooxda Los Blancos.
Arinkaasna wuxuu farxad u yahay kooxaha Man United iyo Chelsea oo si ba’an xidigaan u baadi goobaya, sababta ugu weyn oo uu u tagayana waa boso la’aan.