Kooxda Roma ayaa si rasmi ah u sheegtay inay milkiyada laaacibkeeda Radja Nainggolan si toos ah ula wareegi rabto.
Xidiga reer Belgium waxaa isla leh kooxaha Cagliari iyo Roma balse haatan Roma ayaa wada hadalo guul ku dhamaan rabo la leh kooxda Cagliari oo aqbashay qaybteeda ay ka leedahay Naingglon Roma si toos ah uga iibiso.
Agaasimaha guud ee kooxda Cagliaria Francesco Marroccu ayaa sheegay in Roma ay xiriir wanaagsan la leeyihiin sidoo kalena ay aqbaleen inay Naingglon si toos ah ugu wareejiyaan kooxda ka dhisan caasimada dalka Talyaaniga.
26-jirkan waxaa ku raad joogeen kooxaha Liverpool iyo Man United oo rajo weyn ka qabeen in xagaaga nagu soo fool leh ay ka faa’iideestaan xaalada uu xidigan ku sugan yahay.
Waxaana lagu heli karay £20 million balse hadii ay Roma si rasmi ah milkiyada laacibkan kali ku noqoto waxaa hubaal ah in qiimahiisa uu sare usii kici doono sidoo kalena kooxdan aysan si sahal ah ku fasixi doonin.
Naingglon oo lagu tilmaamo kubad bur buriyaha ugu wanaagsan Serie A-da ayaa xili cayaareedkan Roma u saftay 16-kulan horyaalka Talyaaniga wuxuuna dhaliyay 3-gool.