Daafacii hore Xulka Ingiriiska Ashley Cole ayaa amaanay macalinkiisii hore Sven Goran Eriksson kuna tilmaamay inuu ahaa macalinkii ugu wanaagsana oo uu kasoo hoos ciyaaro dhanka xulka xulka qaranka.
Daafaca Roma, kaas oo 107-kulan u saftay England, ayaa laga saaray liiskii xulka ee koobka Aduunka, ka hor inta uusan ku dhawaaqin ka fariisiga ciyaaraha caalamiga ah balse wuxuu laba koob Aduun u matalay England iyadoo Eriksson uu tababare u ahaa.
Sven Goran Eriksson ayaa iska casilay xilka xulka kadib markii uu xulka u hogaamin waayay ku guuleysiga tartan caalami ah, sidoo kalana England waxey ku fashilmeen iney quater finalka gaaraan tartamadii ugu dambeeyay.
“Waan ku raaxeysanay u ciyaarida England, markii uu Eriksson macalinka u ahaa” Ayuu Cole u sheegay TV laga leeyahay dalka talyaaniga.
Sidoo kale Ashley Cole ayaa ka hadlay cadaadiskii ku qasbay inuu isaga fariisto ciyaaraha caalamiga ah isla markaana saxaafada ku eedeeyay.
“Mar walba saxaafadeena ayaa England ka dhigta mida ugu wanaagsan dunida, taas ayaana keentay cadaadiska” ayuu yiri Cole.
Dhanka kale daafacii hore Chelsea ayaa ka hadlay ceyrintii Andres Villas-Boas ee kooxda Chelsea, wuxuuna Sky Sports Italia u sheegay iney tahay arin ay ka dambeeyeen xidigaha kooxda.
“Ciyaartoyda si adag ayey ula shaqeeyeen Di Matteo, inkastoo aysan si adag ula shaqeyn AVB, Di Matteo wuxuu ku guuleystay Champions League isagoo waqti yar joogay, balse AVB ayaa la ceyriyay isagoo kooxda ku sugan in ka yar hal sano”