Ashley Young ayaa bilaabay bootadiisa iyo dagaalka dhanka maskaxda ah ka hor kulanka axada dhex mari doono kooxaha Liverpool iyo Man United.
Xidigan ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay isku kalsoon tahay sidoo kalena ay guul muhiim ah garoonka Anfield kusoo gaari karaan madaama United haatan jah wareerkii ka baxday.
“Waxaan Anfield u tagi doonaa guul oo kaliya waayo sedexda dhibcood inaan helno waan ku qasbanahay, kulan sidaan u adag kuma qanci kartid bar bar dhac”
“Dabcan bandhigii aan ku sameenay Tottenham wuxuu ahaa mid cajiib ah balse kulanka Liverpool waa mid adag kana duwanaan doono midkii todobaadkii hore”
“Balse qorshe cusub ayaa la imaan doonaa kulanka Anfield si aan halista Liverpool uga hortagno waayo iyagaba sedexda dhibcood sida aan ugu baahanahay ka daran ayay ugu baahan yihiin”
Kulanka adag ee Anfield ka dhici doono axada ayaa kusoo beegmay xili labadan koox farqi labo dhibcood ah u dhaxeeyo waxayna Man United ku jirtaa kaalinta 4-aad halka Liverpool ay taagan tahay booska 5-aad.