Home » Maxaa Cusub » Ashley Young: “Man United Waa Kooxda Ugu Weyn Dunida, Shaqo Kuma Lihin Wixii Dhaleeceyn Ah”

Ashley Young: “Man United Waa Kooxda Ugu Weyn Dunida, Shaqo Kuma Lihin Wixii Dhaleeceyn Ah”


Young

Garabka kooxda Man United Ashley Young ayaa ka dhawaajiyay in qof walba oo ka mid kooxdan ka dhisan Old Trafford aysan shaqo ku laheyn wax walba oo ay ka aaminsan yahiin kooxda Louis Van Gaal ee haatan.

Young ayaa United u keenay guul soo daahday inkastoo ayba aheyd hadiyad si qalad ah kaga timid goolhaye Tim Krull oo waqtigii ugu dambeeyay ciyaarta kubad furan farta ka saaray Young oo durba shabaqa la helay kubada.

Si kastaba hanaan ciyaareedka kooxda Man United ayaan lala dhicin iyadoo mar walba la dhaleeceeyo qaabka uu wax u maamulo macalinkaan reer Holland ee kooxda la wareegay bilowgii xili ciyaareedkaan.

Balse Young oo ka mid ah xidigaha safka hore Van Gaal ayaa qiray ineysan dhageysan doonin wax walba oo ay dadka banaanka ka ah kooxda ka yiraahdaan qaab ciyaareedka kooxda.

“Dadka mar walba su’aal ayey ka keenaan kooxda ugu wanaagsan dunida, balse waa inaan xooga saarno nafteena, isla markaana aanan dhageysan qof kale warekeeda” Ayuu yiri Ashley Young.

“Waa inaan dhageysano macalinka iyo shaqaalahiisa, waxaan halkaan u nimid oo kaliya inaan helno sadex dhibcood” Ayuu yiri Young kadib guushii Newcastle.

Si kastaba guusha United ay xalay gaartay ayaa baaqi uga sii dhigeysa in kooxdaan ay sii fadhiso booska afaraad iyadoo dhibic qura u jirta booska sadexaad.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>