Home » Maxaa Cusub » Aston Villa Oo Qarka U Saaran Iney Dhameystirto Saxiixa Crespo, Ma Ahan Midka Aad U Maleysay?

Aston Villa Oo Qarka U Saaran Iney Dhameystirto Saxiixa Crespo, Ma Ahan Midka Aad U Maleysay?


Crespo

Kooxda Aston Villa ayaa heshiis la gaartay daafaca dambe ee kooxda Cordoba Jose Angel Crespo sida ay sheegayan warbixino ka imaanaya Spain.

Xidigii hore Xulka qaranka Spain dhalinyarada da’doodu ka hooseyso 21-jirada sanadii 2006, sidoo kalana UEFA Cup la qaaday Sevilla waqtigii uu ka mid ahaa ayaa haatan ku dhaw inuu dhameystiro ku biiritaankiisa kooxda Ingiriiska ka dhisan ee Aston Villa.

Sidoo kale Jose Angel Crespo wuxuu soo maray kooxaha Racind Santander oo ka dhisan Spain iyo kooxaha Bologna, Verona iyo Padova oo talyaani ah.

Crespo wuxuu ciyaari karaa daafaca dhexe, daafaca midig iyo kan bidix, waxaana kooxdiisa Cordoba ay twitter-ka ku shaacisay iney Aston Villa kala heshiisay arinka xidigaan.

Waxaa la rajeynayaa in dhawaan ay kooxdaan dhameystirto saxixia xidigaan wuxuuna la midoobi doona Carles Gil.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>