Home » Horyaalada » La Liga Spain » Atletico Madrid Oo Cazorla Dalab Usoo Dirtay Si Uu Booska Arda Turan U Buuxiyo

Atletico Madrid Oo Cazorla Dalab Usoo Dirtay Si Uu Booska Arda Turan U Buuxiyo


Cazorl;a

Kooxda Atletico Madrid ayaa lasoo xariirtay kubad sameeyaha Arsenal Santi Cazorla waxayna dooneysaa inay galiso booska uu baneen doono Arda Turan.

Arda Turan ayaa dhawaan kooxdiisa barta Twitter-ka ku macsalaameeyay waxaana la filaa inuu kooxaha Chelsea ama Barcelona midkood heshiis la gaaro.

Sidaa darteed Atletico Madrid ma dooneyso inuu waqti kasii lumo waxayna xooga saari doontaa sidii ay Cazorla dib ugu soo celin laheyd La Ligaha Spain.

Cazorla oo bisha December 31-sano jirsan doono ayaa horey u sheegay inuu u xiisa dalka Spain sidoo kalena uu doonayo inuu Arsenal isaga hayaamo.

Sidaa darteed Atletico Madrid xagaagan juhdi badan ayay ku bixin doontaa sidii ay Cazorla gacanta ugu soo dhigi laheyd madaama uu xidigan si wacan booska Arda Turan u buuxin karo.

Santi Cazorla waxay Atletico Madrid ugu tala gashay inay 25-milyan oo euro ah kula soo saxiixato waxayna dalab rasmi ah u diri doontaa Arsenal maal maha nagu soo fool leh.

Balse kooxda Arsenal marnaba Cazorla kuma darin xidigaha ay xagaagan iska fasixi doonto madaama uu muhiim u yahay naadigan ka dhisan Waqooyiga magaalada London.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>