Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Abdirashid Mohamud Nor “SHarDinHO” http://hiilkubad.com Sat, 05 Jul 2014 18:01:23 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Gool Uu Dhaliyay Gonzalo Higuain BIlowgii Ciyaarta Ayaa Argentina Geeyay Semi Finalka Koobka Aduunka http://hiilkubad.com/gool-uu-dhaliyay-gonzalo-higuain-bilowgii-ciyaarta-ayaa-argentina-geeyay-semi-finalka-koobka-aduunka/ http://hiilkubad.com/gool-uu-dhaliyay-gonzalo-higuain-bilowgii-ciyaarta-ayaa-argentina-geeyay-semi-finalka-koobka-aduunka/#comments Sat, 05 Jul 2014 18:01:23 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28325
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Gool Uu Dhaliyay Gonzalo Higuain BIlowgii Ciyaarta Ayaa Argentina Geeyay Semi Finalka Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
Argentina guul

Gonzalo Higuain ayaa Argentina u sahlay iney gaarto Semi Finalka kadib markii ay kusoo baxeen gool uu dhaliyay daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta.

Argentina ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta Gonzalo Higuain ayaana shabaqa la helay kubad qurux badan oo uu ka laaday meel afka ka ah goolka Belgium.

Da’yarka xulka Belgiumka Kevin De Bryune ayaa sameeyay isku day wanaagsan markii uu lugta bidix darbo awoood leh kula beegsaday goolka Argentina daqiiqadii 13-aad balse uma noqon.

Ciyaarta ayaa noqotay mid ay maamulkeeda heysto Argentina isla markaana aan laheyn xiiso gooni ah iyo weeraro labada dhinac ah inkastoo wiilasha Belgiumka ay sameynayeen iska caabin xoogan.

Angel Di Maria ayaa helay fursad wanaagsan oo weerar gaadmo ah aheyd, balse kabtan Kompany ayaa ka diiday beegsigii uu sameeyay daqiiqadii 32-aad aad ciyaarta.

Di Maria ayaa la badalay kadib markii uu muruqa xanuun daran ka dareemay Enzo Perez ayaana lagu badalay daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta.

Lionel Messi ayaa lagu abaalmariyay laad xor ah meel 19-talaabo u jirta goolka Belgiumka kadib markii isaga qalad laga galay balse kabtanka Argentina ayaa iska qasaariyay fursadaas daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta.

Kevin Mirallas ayaa helay fursad uu barbaro ugu keeni karay xulkiisa Belgiumka kadib markii uu karoos qurux badan ka helay Vertonghen balse xidiga Everton ayaa madaxii uu riday goosha la agmaray daqiiqadii 40-aad ee ciyaarta.

Ciyaarta qeybteeda hore waxaa lagu kala maray 1-0 oo ay Argentina hogaanka ku heyso, qeybtii labaad ee ciyaarta, Gonzalo Higuain ayaa helay fursad fiican daqiiqadii 50-aad ee ciyaarta inkastoo kubadii uu tuuray ay ku dhacday daafac Belgium ah.

Lionel Messi ayaa laad xor ah ku sigay goolka Belgiumka goolhaye Thibaut Courtios ayaana sameeyay dadaal dheeri ah kaas oo kubada ka beniyay Messi.

Gonzalo Higuain ayaa caawa la celin la’yahay kubad uu kasoo qaaday qadka dhexe ayuu la galay goolka Belgiumka isagoo si xariftan ah ku agmaray kaban Kompany balse kubadii uu riday birta ayaa ka beenisay daqiiqadi 55-aad ee ciyaarta.

Fellaini ayaa helay fursad uu barbaro ugu keeno xulka Belgiumka markii uu karoos qurux badan ka helay Vertonghan balse madaxii uu riday goolka ayuu sara mariyay daqiiqadii 60-aad.

Lionel Messi ayaa helay kubad hal iyo hal ah oo uu ula tagay goolhaye Courtios balse goolhayaha Belgiumka ayaa ka diiday gool kabtanka Argentina waana kulankii 6-aad oo uu Lionel Messi gool ka dhalin waayo gool.

Belgiumka ayaa sameeyay dadaal xoogan iyadoo Lukaku uu helay fursad qaali ah inkastoo uu gudaha soo dhigay kubad qurux badneyd balse Garay ayaa ka badbaadiyay.

Ugu dambeyntii Argentina ayaa soo gaartay Wareega Semi Finalka Koobka Aduunka iyadoo sugi doonta xulalka Costa Rica iyo Holland oo goor dambe oo caawa ah ciyaari doona.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Gool Uu Dhaliyay Gonzalo Higuain BIlowgii Ciyaarta Ayaa Argentina Geeyay Semi Finalka Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/gool-uu-dhaliyay-gonzalo-higuain-bilowgii-ciyaarta-ayaa-argentina-geeyay-semi-finalka-koobka-aduunka/feed/ 0
Line Upka Rasmiga Ah Kulanka Argentina vs Belgium http://hiilkubad.com/line-upka-rasmiga-ah-kulanka-argentina-belgium/ http://hiilkubad.com/line-upka-rasmiga-ah-kulanka-argentina-belgium/#comments Sat, 05 Jul 2014 15:04:34 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28322
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Line Upka Rasmiga Ah Kulanka Argentina vs Belgium], All Right Reserved. 2014.
]]>
Argenitna

Macalin ALejandro Sabella ayaa isbadal weyn ku sameeyay xulkiisa wajahaya Belgiumka kadib markii uu uu kusoo daray Biglia, Basanta iyo Demichiles kuwaas oo aan kulankii Switzerland safan.

Aguero ayaa maqan waxaana booskiisa jooga caawa Lavezzi kaas oo kulankii horaba buuxiyay.

Dhanka Belgiumka tababare WIlmots ayaa Lukaku kursiga galiyay waxaana booskiisa soo galay Origi, Mirallas ayaa markii ugu horeysay kusoo bilowday Mertens ayaana kursiga galay .

Fellaini iyo Wistel ayaa kusoo wada bilowday, kabtan Kompany iyo Buyten ayaana daafaca dhexe kuwada jira caawa.

Line Upka Rasmiga ah:

Argentina: Romero; Zabaleta, Demichelis, Garay, Basanta; Biglia, Mascherano, Di Maria; Lavezzi, Messi, Higuain.

Belgium: Courtois, Alderweireld, Van Buyten, Kompany, Vertonghen, Witsel, Fellaini, De Bruyne, Mirallas, Hazard, Origi



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Line Upka Rasmiga Ah Kulanka Argentina vs Belgium], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/line-upka-rasmiga-ah-kulanka-argentina-belgium/feed/ 0
Real Madrid Oo Mar Walba Xidig Muhiim Ah La Saxiixata Dhamaadka Tartamada Waaweyn http://hiilkubad.com/real-madrid-oo-mar-walba-xidig-muhiim-ah-la-saxiixata-dhamaadka-tartamada-waaweyn/ http://hiilkubad.com/real-madrid-oo-mar-walba-xidig-muhiim-ah-la-saxiixata-dhamaadka-tartamada-waaweyn/#comments Sat, 05 Jul 2014 11:39:04 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28309
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Real Madrid Oo Mar Walba Xidig Muhiim Ah La Saxiixata Dhamaadka Tartamada Waaweyn], All Right Reserved. 2014.
]]>
Real Madrid

Waa u dhaqan Real Madrid iney ka dukaameysato tartamad caalamiga ah iyo ciyaartoyda ku guuleysta abaalmarinta aduunka ugu wanaagsan marka dib loo eego tariikhdii hore.

Kooxda ka dhisan Spain ee Real Madrid ayaa kentay garoonkeeda Bernabue magacyo waaweyn oo taariikho iyo dadaal dheeri ah ka sameeyay tartmada waaweyn  ee aduunka iyo yurub.

Marka la eego xiisaha ay haatan u qabto James Rodriguez Real Madrid ayaa la oran karaa iney daba joogto dhaqankii soo jireenka ahaa ee ay waligeed ka dukaameysan jirtay.

2000 kooxda waxaa kusoo biiray Luis Figo oo ka tirsanaa Barcelona kaas oo wacdaro ka dhigay koobkii Euro 2000 oo ay la hoydeen faransiiska inkastoo semi finalka ay qasaaro kala kulmeen France hadana Figo ayaa dhigay wacdaro lama iloobaan ah Bernabue ayuuna yimid kadib dhamadkii tartanka.

2002 waxaa kooxda kusoo biiray Luiz Nazario De Lima Ronaldo kaas oo la ogaa taariikhda uu ka dhigay koobkii Aduunka ee 2002 lagu qabtay Japan iyo South Korea wuxuuna ahaa dhaliyihii labada gool ee Brazil ay koobka Aduunka kaga qaaday jarmalka.

2006 waxaa kooxda Real Madrid kusoo biiray Fabio Cannavaro kaas oo xulka Italy u qaaday koobkii Aduunka ee Jarmalka lagu qabtay sidoo kalana noqday xidigii ugu wanaagsanaa Aduunka.

Saxiixii ugu dambeeyay ee ay tartan caalami ah lasoo saxiixato Real Madrid wuxuu ahaa kubad sameeyaha haatan e Gunners Mesut Ozil kaas oo 2010 kaga soo biiray Breman madama uu wacdaro ka dhigay koobkii Aduunka 2010 ee South Afrika lagu qabtay.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Real Madrid Oo Mar Walba Xidig Muhiim Ah La Saxiixata Dhamaadka Tartamada Waaweyn], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/real-madrid-oo-mar-walba-xidig-muhiim-ah-la-saxiixata-dhamaadka-tartamada-waaweyn/feed/ 0
Lionel Messi Oo Fariin Qaas Ah U Diray Saaxiibkiisa Dhaawacmay Neymar JR http://hiilkubad.com/lionel-messi-oo-fariin-qaas-ah-diray-saaxiibkiisa-dhaawacmay-neymar-jr/ http://hiilkubad.com/lionel-messi-oo-fariin-qaas-ah-diray-saaxiibkiisa-dhaawacmay-neymar-jr/#comments Sat, 05 Jul 2014 11:09:09 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28306
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Lionel Messi Oo Fariin Qaas Ah U Diray Saaxiibkiisa Dhaawacmay Neymar JR], All Right Reserved. 2014.
]]>

Kabtanka Xulka Argentina Lionel Messi ayaa caafimad deg-deg ah u rajeeyay saaxiibkiisa Barcelona Neymar JR kaas oo ka jabay laf dhabarta kulankii xalay ay xulkiisa 2-1 kaga awood bateen Colombia quater Finalka Koobka Aduunka.

“Neymar, waxaan kuu rajeynayaa inaad deg-deg usoo bogsooto” Ayuu xidigaan reer Argentina ku qoray bogiisa Facebook-ga waxaana bogga Messi lasoo dhigay maaliyadaha Neymar iyo Messi oo is garab haya.

Lionel Messi ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in caawa ay soo gaaraan Semi Finalka Koobka Aduunka iyagoo wajahaya Belgiumka.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Lionel Messi Oo Fariin Qaas Ah U Diray Saaxiibkiisa Dhaawacmay Neymar JR], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/lionel-messi-oo-fariin-qaas-ah-diray-saaxiibkiisa-dhaawacmay-neymar-jr/feed/ 0
Arsenal Oo Liverpool Ku Garaacday Saxiixa Goolhayaha Da’da Yar Ee Reer Finland Hugo Keto http://hiilkubad.com/arsenal-oo-liverpool-ku-garaacday-saxiixa-goolhayaha-dada-yar-ee-reer-finland-hugo-keto/ http://hiilkubad.com/arsenal-oo-liverpool-ku-garaacday-saxiixa-goolhayaha-dada-yar-ee-reer-finland-hugo-keto/#comments Sat, 05 Jul 2014 10:48:11 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28303
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Arsenal Oo Liverpool Ku Garaacday Saxiixa Goolhayaha Da'da Yar Ee Reer Finland Hugo Keto], All Right Reserved. 2014.
]]>
HUgo Keto

Kooxda Arsenal ee ka dhisan waqooyiga magaalada London ayaa saxiixa goolhayaha da’da yar ee da’yarta xulka Finland ku garaacday Liverpool.

18-jirkaan da’da yar ayaa caafimaad ka u maray kooxda Arsenal isagoo saxiixay heshiis sadex sanadood ah oo uu ku joogayo garoonka Emirates Stadium.

Hugo Keto ayaa taageero u ah kooxda Liverpool balse Arsenal ayaa saxiixiisa ku guuleysatay xili kooxda Gunners ay tahay goolhaye la’aan madama uu kooxda joogo kaliya Wojciech Szczesny oo xulka Poland u qabta.

Goolhayihii labaad ee Gunners Lukas Fabianski ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Swansea City ka hor koobka Aduunka.

Keto ayaa ku biiray kooxda da’ yarta ee Arsenal xili Wenger uu kalsooni ku qabo inuu wiilkaan awoodisa ku muujin karo heerka hoose isla markaana uu tartan la gali doono Wojciech Szczesny



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Arsenal Oo Liverpool Ku Garaacday Saxiixa Goolhayaha Da'da Yar Ee Reer Finland Hugo Keto], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/arsenal-oo-liverpool-ku-garaacday-saxiixa-goolhayaha-dada-yar-ee-reer-finland-hugo-keto/feed/ 0
Mathieu Debuchy Oo La Filayo Inuu Caafimaad U Maro Arsenal Isbuucaan http://hiilkubad.com/mathieu-debuchy-oo-la-filayo-inuu-caafimaad-maro-arsenal-isbuucaan/ http://hiilkubad.com/mathieu-debuchy-oo-la-filayo-inuu-caafimaad-maro-arsenal-isbuucaan/#comments Sat, 05 Jul 2014 10:36:30 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28300
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Mathieu Debuchy Oo La Filayo Inuu Caafimaad U Maro Arsenal Isbuucaan], All Right Reserved. 2014.
]]>
Mathieu Debuchy

Sida ay shaacisay Sportsmole daafaca reer France ee kooxda Newcastle United Mathieu Debuchy ayaa ku dhaw inuu ku biiro kooxda Arsenal si uu badal ugu noqdo Bacary Sagna oo ka tagay kooxda isla markaana ku biiray Manchester City.

28-jirkaan ayaa ka mid ahaa wiilashii macalin Dechamps ee kasoo haray koobka Aduunka wareegiisa quater finalka in badan ayaana lala xiriirinayay kooxda Arsenal.

Sida ay sheegayaan warar ka imaanaya magaalada London tababare Arsene Wenger ayaa qarka u saran inuu xaqiijiyo saxiiixisa ugu horeeya xili ciyaareedkaan.

L’Equipe ayaa sidoo kale shaacisay in Arsenal iyo Newcastle United ay ka wada haedleen qiimaha xidigaan iyadoo ugu dambeyn la isku afgartay in Arsenal 7.9 Malyan Oo Pound.

Mathieu Debuchy ayaa Newcastle United kusoo biiray January 2013 wuxuuna St James Ku yimid aduun dhan 5.5 Malyan Oo Pound kooxda Lille ayuuna kasoo hayaamay.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Mathieu Debuchy Oo La Filayo Inuu Caafimaad U Maro Arsenal Isbuucaan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/mathieu-debuchy-oo-la-filayo-inuu-caafimaad-maro-arsenal-isbuucaan/feed/ 0
Ashley Cole Oo U Duulay Talyaaniga Si Uu Ugu Biiro Kooxda As Roma http://hiilkubad.com/ashley-cole-oo-duulay-talyaaniga-si-uu-ugu-biiro-kooxda-roma/ http://hiilkubad.com/ashley-cole-oo-duulay-talyaaniga-si-uu-ugu-biiro-kooxda-roma/#comments Sat, 05 Jul 2014 07:57:19 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28297
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Ashley Cole Oo U Duulay Talyaaniga Si Uu Ugu Biiro Kooxda As Roma ], All Right Reserved. 2014.
]]>
Cole

Waxaa soo ifbaxay goor hore warar daafaca rug cadaaga ah ee dalka Ingiriiska Ashley Cole la xiriirinaya kooxda As Roma ee dalka talyaaniga.

Daily Mail ayaa shaacisay in 33-jirkaan heerka caalami uu u duulay magaalada Roma si uu ula kulmo maamulka kooxda Giallarossi ee ka dhisan caasimada.

Ashley Cole waa xor wuxuuna wadahadal la gali karaa kooxda uu doono iyadoo Chelsea ay ogolaatay in heshiiskiisii uu dhacay meeshuu rabana uu aadi karo.

Ashley Cole ayaa sidoo kale dalab ka helaya kooxo badan oo ka dhisan horyaalka Mareykanka iyo sidoo kale kooxda reer France ee As Monaco balse wuxuu doonayaa inuu kasoo muuqdo kooxda Roma madama ay ciyaareyso Champions League.

Sida lagu qoray Football-italia.net Ashley Cole ayaa la filayaa inuu saxiixo heshiis laba sano ah oo uu kaga mid noqonayo kooxda kaalinta labaad ka gashay Serie A-da xiligii lasoo dhaafay.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Ashley Cole Oo U Duulay Talyaaniga Si Uu Ugu Biiro Kooxda As Roma ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/ashley-cole-oo-duulay-talyaaniga-si-uu-ugu-biiro-kooxda-roma/feed/ 0
Sawiro: Nemanja Vidic Oo Tababarkii Ugu Horeeyay La Bilaabay Kooxdiisa Cusub Inter Milan http://hiilkubad.com/sawiro-nemanja-vidic-oo-tababarkii-ugu-horeeyay-la-bilaabay-kooxdiisa-cusub-inter-milan/ http://hiilkubad.com/sawiro-nemanja-vidic-oo-tababarkii-ugu-horeeyay-la-bilaabay-kooxdiisa-cusub-inter-milan/#comments Sat, 05 Jul 2014 07:51:20 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28294
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro: Nemanja Vidic Oo Tababarkii Ugu Horeeyay La Bilaabay Kooxdiisa Cusub Inter Milan], All Right Reserved. 2014.
]]>
-Iyado shalay ay aheyd waqtigii lasoo bandhigay saxiixa cusub ee kooxda Inter Milan Nemanja Vidic isla markaana uu qabtay shirkiisii jara’aid ee ugu horeeyay hadana maanta ayuu tababarkiisa ugu horeeyay la bilaabay kooxdiisa cusub.

Vidic ayaa si xor ah Inter kaga soo biiray kooxda Manchester United isagoo saxiixay heshiis sadex sano ah oo uu kusii joogayo kooxda ka dhisan garoonka Sansiro.

DAAWO SAWIRADII VIDIC TABABARKA MAANTA INTER MILAN

-

-

----



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sawiro: Nemanja Vidic Oo Tababarkii Ugu Horeeyay La Bilaabay Kooxdiisa Cusub Inter Milan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sawiro-nemanja-vidic-oo-tababarkii-ugu-horeeyay-la-bilaabay-kooxdiisa-cusub-inter-milan/feed/ 0
Hordhac Holland vs Costa Rica: Louis Van Gaal Oo Damacsan Inuu Muujiyo Awoodiisa http://hiilkubad.com/hordhac-holland-costa-rica-louis-van-gaal-oo-damacsan-inuu-muujiyo-awoodiisa/ http://hiilkubad.com/hordhac-holland-costa-rica-louis-van-gaal-oo-damacsan-inuu-muujiyo-awoodiisa/#comments Sat, 05 Jul 2014 07:28:11 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28291
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac Holland vs Costa Rica: Louis Van Gaal Oo Damacsan Inuu Muujiyo Awoodiisa ], All Right Reserved. 2014.
]]>
Netherlands-Vs-Costa-Rica-World-Cup-2014-Quarterfinals-2x2cu01rpf7z1brre891je

Xulkii kaalinta labaad ka galay koobkii Aduunak ee lagu qabtay South Afrika 2010 ayaa caawa doonaya inuu tilaabo hormar leh u qaado Semi Finalka Koobka Aduunka iyagoo wajahaya xulka Costa Rica oo markii ugu horeysay soo gaaray heerkaan oo kale.

Louis Van Gaal ayaa doonaya inuu dhigo taariikh hor leh oo aan usoo marin dalka Holland kuwaas oo aan waligood ku guuleysan koobka Aduunka.

Costa Rica ayaa qudheeda dooneysa iney sameyso taariikh hor leh iyadoo dooneysa iney markeedii ugu horeysay soo gaarto Semi Finalka Koobka Aduunka.


WARBIXINTA KULANKA

Kulanka: Holland vs Costa Rica

Magaalada: Salvador

Garoonka: Arena Fonte Nova

Saacada: 11:00 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika

Garsooraha: Ravshan Irmatov (Uzbekistan)


MAXAA CUSUB?

Burburiyaha Milan Nigel De Jong ayaa ka maqnaan doona xulka Holland kaas oo xanuun dhanka muruqa ah awgiis looga saaray xulka Netherlands.

MA OGTAHAY?

⇒Netherlands waxey guul gaareen 10-kulan 11-kii kulan ee ugu dambeeyay waxeyna guuldaradaas kasoo gaartay Finalkii Koobka Aduunka 2010 markaas oo 1-0 ay kaga badiyeen Spain.

⇒ Costa Rica lagama adkaan afartii kulan ee ay horay usoo ciyaareen Koobka Aduunka (2barbardhac, 2-guul)

⇒ Costa Rica ayaa noqotay wadankii ugu horeeyay ee ka socda Waqooyiga Ameerika ee soo gaara Quater Finalka Koobka Aduunka tan iyo 2002 markaas oo ay mareykanka yimaadeen heerkaan oo kale.

⇒ Waa Kulankii ugu horeeyay ee labadaan xul dhexmara taariikhda

⇒ Todoba Ciyaariyahan oo kala duwan ayaa goolal u dhaliyay Holland Koobka Aduunka.

⇒ Netherland Waligeed guuldaro kala kulmin wadamada ka socda waqooyiga Ameerika, 1-jeer guul, 1-jeer bareejo labadaba Mexico ayey is arkeen.

⇒ Costa Rica hal kulan ayey xulalka yurub garaacday 7-kulan oo ay horay ula ciyaartay talyaaniga ayey 1-0 ku xaaqeen warega groupyada ee koobkaan (3-bareejo iyo 3-guuldaro ayey ka heysteen ka hor italy).

⇒ Wesley Sneijder ayaa dhaliyay 5-gool, shantii kulan ee ugu dambeysay wareega heerkaan oo kale ah koobka Aduunka.

⇒ Sneijder ayaa ciyaaray kulamo ka badan dhamaan xidigaha haatan ee xulka Holland kulamada koobka Aduunka isagoo kasoo muuqday 15-kulan.

⇒ Holland ayaa ku fashilantay iney shabaqeeda ilaashato 11-kii kulan ee ugu dambeyay heerarkaan oo kale waxaana ugu dambeysay 1994-tii.

⇒ Keylor Navas oo ka tirsan xulka Costa Rica ahna goolhayahooda ayaa badbaadiyay 14-kubadood tartankaan.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Holland



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac Holland vs Costa Rica: Louis Van Gaal Oo Damacsan Inuu Muujiyo Awoodiisa ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhac-holland-costa-rica-louis-van-gaal-oo-damacsan-inuu-muujiyo-awoodiisa/feed/ 0
Hordhac Argentina vs Belgium: Lionel Messi Oo Tiigsanaya Semi Finalkiisii Ugu Horeeyay Koobka Aduunka http://hiilkubad.com/hordhac-argentina-belgium-lionel-messi-oo-tiigsanaya-semi-finalkiisii-ugu-horeeyay-koobka-aduunka/ http://hiilkubad.com/hordhac-argentina-belgium-lionel-messi-oo-tiigsanaya-semi-finalkiisii-ugu-horeeyay-koobka-aduunka/#comments Sat, 05 Jul 2014 06:43:09 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28288
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac Argentina vs Belgium: Lionel Messi Oo Tiigsanaya Semi Finalkiisii Ugu Horeeyay Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
Argentina-vs-Belgium-2014-Quarterfinal-World-Cup

Xulka Labada jeer heysta koobkaa ee Argentina ayaa doonaya caawa inuu qaado talaabo hormar leh kulanka ay caawa wajahayaan Belgiumka wareega quater finalka.

Argentina labadii tartan ee ugu dambeysay oo uu Lionel Messi qeybta ka ahaa waxey ku hareen quater finalka, 2006 iyo 2010 waxaa reebay xulka Jarmalka oo marna xasuuq u geystay marna rigoorayaal kaga soo baxay.

Lionel Messi oo ah kabtanka Argentina ayaa rajeynaya caawa inuu gaaro Semi Finalkiisii ugu horeeyay ebid koobka Aduunka xili Jamaahiirta Argentina ay filanayaan in Messi uu koobka Aduunka usoo xareeyo sida Maradona.

Dhanka kale Belgiumka ayaa dhigaya wacdaro saa’id ah isagoo si awood ah kaga soo baxay groupka uu hogaaminayay waxaana tababare u ah Wilmots oo ah halyeey hore oo reer Belgium ah.

Hazard iyo De Bruyne ayaa ah labada wiil ee hogaanka u haya xulka Belgiumka kuwaas oo wacdaro ka dhigay koobka Aduunka.


WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Argentina vs Belgium

Magaalada: Brasilia

Garoonka: Estadio Nacional

Saacada: 7:00 Fiidnimo Xiliga Geeska Afrika

Garsoore: Nicola Rizzolli [ITALY]


MAXAA CUSUB?

Xulka Argentina ayaa ciyaari doona la’aanta daafacooda Marcos Rojo kaas oo ganaax jaalayaal kaga maqnaan doona waxaana badali doona Jose Basantana.

Sergio Aguero ayaa wali maqan, inkastoo uu tababarka kusoo laabtay waxaase uu diyaar noqon karaa hadii ay Argentina usoo gudubto Semi Finalka.

Thomas Vermaelen ayaa diyaar ah kaas oo badali doona Vertonghen ama Buyten midkood.

Kabtan Vincent Kompany ayaa soo bogsooday inkastoo Dembele uu wali xanuu dareemayo

Su’aasha ugu weyn ee dhanka belgiumka ayaa ah xidiga kusoo bilaaban doona weerarkooda Lukaku iyo Origi.

Lukaku ayaa isbadal sameeyay kulankii Mareykanka isagoo gadaal kasoo galay kadib markii uu xulkiisa usoo gudbiyay wareegaan.

MA OGTAHAY?

⇒ Argentina shantii tartan ee ugu dambeysay afar ka mid ah waxey soo gaartay wareegaan quater finalka.

⇒ Belgiumka 12-jeer ayey kasoo qeyb galeen koobka Aduunka, waana markii labaad oo ay heerkaan soo gaaraan.

⇒ Markii ugu horeysay Belgiumka ay soo gaaraan wareegaan waxey aheyd 1986-dii markaas oo ay u gudbeen Semi Final balse Argentina oo xiligaas ku guuleystay koobka ayaa ku reebtay wareegaas.

⇒ Afar Jeer ayey horay u kulmeen labadaan xul,  sadex ka mid ah waxaa badiyay Argentina halka 1-jeerna ay badiyeen Belgium.

LINE UPKA MACAQUULKA AH:

Argentina (Possible, 4-3-1-2): Romero; Zabaleta, F Fernández, Garay, Basanta; Gago, Mascherano, Di Maria; Messi; Lavezzi, Higuaín.

Belgium (Possible, 4-3-3): Courtois; Alderweireld, Van Buyten, Kompany, Vertonghen; Witzel, De Bruyne, Fellaini; Mertens, Lukaku, E Hazard.

 



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Hordhac Argentina vs Belgium: Lionel Messi Oo Tiigsanaya Semi Finalkiisii Ugu Horeeyay Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/hordhac-argentina-belgium-lionel-messi-oo-tiigsanaya-semi-finalkiisii-ugu-horeeyay-koobka-aduunka/feed/ 0