Macalinka xulka Ghana Avram Grant ayaa shaaca ka qaaday inuu wici doono kabtan Terry hadii kulanka caawa finalka koobka African Cup of Nation uu gaaro heer rigooroyin ah.
Ghana ayaa caawa la ciyaari doonta Ivory Coast kama dambeysta tarankaan kulan ka dhici doona Beta dalka Equatorial Guinea, inakstoo labadaan xul ay taariikhda finalkaan ku kulmeen sanadii 1992 markaas oo Ivory Coast ay rigoorayal ku qaaday.
Avram Grant ayaa xasuustay wixii qabsaday finalkii Champions League 2008, xili Terry uu qasaariyay fursad ay koobkaas ku qaadeen kooxdiisa, inkatoo koobka laga xayuubsaday markii Anelka uu kubad gacanta u galiyay Van der Saar.
Si Kastaba Avram Grant ayaa ku kaftamay inuu wici doono Terry hadii xulkiisa uu gaaro rigoorooyin si uu xidigaas qibrad u weydiisto.
“Waxaan wixi doonaa Terry si aan talo u weydiisto” Ayuu yiri Avram.