Home » Maxaa Cusub » Aymen Abdennour Oo Ka Mid Ah Laba Xidig Oo Ay Arsenal Ka Dooneyso Horyaalka Faransiiska

Aymen Abdennour Oo Ka Mid Ah Laba Xidig Oo Ay Arsenal Ka Dooneyso Horyaalka Faransiiska


Aymen

Matt Spiro oo ah qabiir dhanka kubada cagta oo ku xeel dheer horyaalka Faransiiska ayaa shaaciyay in kooxda Arsenal ay wado qorshe ay kula soo saxiixaneyso daafaca kooxda As Monaco Aymen Abdennour kaas oo ku jira waqtigiisii ugu fiicana kubada cagta.

Qabiirka ayaa bogiisa twitter-ka kusoo qoray in Wenger uu isha ku hayo xidigaas sidoo kalana wuxuu ka dhawaajiyay inuu doonayo weeraryahanka kooxda Olympique Lyon Nabil Fekir.

Saxaafada Ingiriiska ayaa baahisay dhawaan in Wenger uu wado qorshe uu kula soo saxiixanayo afar ciyaartoy oo kooxdiisa uu ku xoojiyo si uu EPL-ka tartan xoog leh u galo xagaaga dambe, waxaana lagu kala sheegay goolhaye, daafac, khad dhexe iyo weerar.

Matt Spiro ayaadna moodaa inuu xog-ogaal u yahay sheeko hoose oo uu Wenger ka wado dalkiisa si uu kooxdiisa u xoojiyo.

Aymen Abdennour ayaa isbaray Wenger xagaagan markii Monaco ay wareega 16-ka UCl ka reebtay kooxda Arsenal isagoo ahaa cududii ugu weyneyd ee Monaco caawisay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>