Kooxda Real Madrid todobaadkii hore labo kulan oo ay garoonkeeda Bernabua ku cayaartay ayay ku lumisay labo koob oo muhiim ah haatana waxay qarka u saaran tahay inay xili cayaareedkan koob la’aan ku dhameesato.
Sidaa darteed qayb ka mid ah dhibaatada kooxdan ku dhacday waxaa sabab u ah hoos u dhaca sida gaarka ah ugu habsaday sedexda weeraryahan ee Madrid muhiimka u ahaayeen.
Karim Benzema, Grathe Bale iyo Cristiano Ronaldo (BBC) dar dartii lagu yaqiinay ayaa meesha ka baxday waxayna sanadkan 2015 ilaa haatan dhaliyeen 37-gool.
Halka sedexda xidig ee Barcelona muhiimka u ah Messi, Suraez iyo Neymar (MSN) ay iyagana sanadkan 2015 oo kaliya dhaliyeen 75-gool!
Grathe Bale ayay si gaar ah dhibaatada ugu habsatay waxaana haatisn halis ku jiro mustaqbalkiisa garoonka Bernabua madaama sanadkan 2015 uusan bandhig wanaagsan sameynin.
Xidiga reer Wales kaliya 3-gool ayuu dhaliyay 19-kulan ee ugu dambeesay taasi oo ka dhigan in waxqabadkii looga baahnaa uusan meesha ku heynin.
Hadaba wargeska Marca ayaa sadaaliyay in BBC aysan sanadka dambe iska garab cayaari doonin sidoo kalena isbadal weyn lagu sameyn doono weerarka kooxda Real Madrid.