Kooxda Real Madrid waxay xili cayaareedkan ku dhameesatay koob la’aan sidoo kalena naadigan faca weyn waxaa haatan saran cadaadis xoogan.
Madaama mustaqbalka macalin Carlo Ancelotti la hubin sidoo kalena tababarahan afka lagu haayo in la racadeen doono.
Dhanka kale Grathe Bale isagana cago badan kuma taagno waxaana xidigan xaalkiisa ka deyriyeen taageerayaasha Real Madrid oo badankooda soo jeediyeen in xagaagan la iibiyo.
Goolhaye Iker Casillas isaga waaba laga tashtay madaama Real Madrid ay heshiis hordhac ah la gaartay goolhaye David De Gae oo lagu wado xagaagan inuu caasimada Spain usoo baqoolo.
Hadaba Real Madrid xili cayaareedkan fashil ayay ku dhameesatay balse gudoomiye Florentino Perez fasaxa xagaagan xili hore ma aadi doono.
Waxaana laga rabaa inuu xal u helo mustaqbalka macalin Carlo Ancelotti, Grathe Bale iyo goolhaye Iker Casillas oo dhamaantooda la sadaalinaayo inaysan Bernabue markale kasoo muuqan doonin.