Weeraryahanka reer Talyaani Mario Balotelli wuxuu aad ula dhacsan yahay saameynta iyo hogaanka Steven Gerard tan iyo markii uu garoonka Anfield usoo dhaqaaqay.
Wuxuuna Super Mario ka dhawaajiyay in Steven uu haatan ku heer yahay ruug cadaaga reer Talyaani Andrea Pirlo oo kubada cagta heerkii ugu sareeyay ka gaaray.
“Aragtida, xirfada iyo kartida Steven ma ahan mid la heli karo waana xidig aad u wanaagsan sida darteed aadbay noogu adkaan doontaa inaan badalkiisa helno”
“Gerard maqaam sare ayuu kubada ka gaaray waxaana dhihi karaa wuxuu u heer yahay Andrea Pirlo oo aan aniga u arko inuu yahay laacib ka sareeyo dhamaan laacibiinta kale”
Balotelli ilaa haatan wuxuu Liverpool u dhaliyay hal gool oo qura balse xidigan ayaa ka balan qaaday taageerayaasha Reds inuu goolal badan dhalin doono.
“waa inaan isbadal ku sameeyo qaa b cayaareedkeyga sidoo kalena aan inta badan kubada raadiyo kuna dadaalo dhalinta goolasha la iga sugaayo”