Home » Horyaalada » italian Serie A » Barbara Berlusconi Oo Taageero La Garab Taagan Macalin Pippo Inzaghi

Barbara Berlusconi Oo Taageero La Garab Taagan Macalin Pippo Inzaghi


Barbara

Inkastoo kooxda AC Milan aysan guuleesanin 4-kulan ee ugu dambeesay Serie A-da Talyaaniga hadana agaasimaha guud ee kooxdan Barbara Berlusconi ayaa shaaca ka qaaday in macalin Pippo Inzaghi uusan mustaqbalkiisa Milan halis ku jirin.

Gabadhan oo uu dhalay milkiilaha Milan Silvio Berlusconi ayaa si rasmi ah u sheegtay inay taageero buuxdo la garab taagan tahay macalinka aan waaya araga ahayn.

“Waa run xaalad walaacsan ayay kooxda ku sugan tahay balse kulamadii ugu dambeeyay dadaal wanagsan ayaan sameynay waxaana rajeynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan wada guusha ugu soo laaban doono”

“Inzaghi shaqo wacan ayuu kooxda ka qabtay ilaa haatana wax badan ayuu saxay waxaana la garab taaganahay taageero buuxdo”

Geeska kale Barbara Berlusconi ayaa sheegtay inay ku daadaleyso sidii ay kooxdan faca weyn dib ugu soo celin laheed wadadii guusha waxayna tiri “Qof walbo ayaa og in Milan dhaqaalo xumo baahsan ay heesato balse dadaal badan ayaan wadnaa waxaana heshiisyo la gaari rabnaa shirkado kala duwan oo maal galin kooxda ku sameyn doonaan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>