Barcelona ayaa mar kale ku aaday Bayern Munich kadib isku aadkii la sameeyay maanta oo jimco ah xaflad ka dhacday Magaalada Nyon ee dalka Switzerland.
Luis Enrique ayaa si qurux badan kaga soo gudbay Paris Saint Germain laba kulan oo la isku noqday iyadoo wadar ahaan uga soo baxday 5-1, dhinaca kale Bayern Munich ayaa xasuuqday Fc Porto inkastoo kulankii lugta hore ay u muuqatay Porto kuwo soo bixi kara, balse kulankii ka dhacay Munich ayaa kusoo dhamaaday xasuuq 6-gool ah.
Dhanka kale Juventus ayaa iyana wadar 1-0, ah kaga soo gudubtay kooxda As Monaco, halka kooxda Real Madrid ay iyana wadar 1-0 ah kaga soo baxday Atletico Madrid.
Isku Aadka Semi Finalka:
Barcelona vs Bayern Munich
Juventus v Real Madrid
Lugta hore wareega semi finalka wuxuu dhici doonaa 5-ta ilaa 6-da bisha May halka lugta labaad la ciyaari doono 12-ka iyo 13-ka May..
Ugu dambeyntiina Finalka koobka horyaalada yurub waxaa sanadkaan lagu qaban doonaa garoonka Olympiastadion ee ku yaala magaalada Berlin ee dalka Jarmalka 6-da June.