Home » Horyaalada » La Liga Spain » Barcelona & Athletic Bilbao Oo Doonaya In Finalka Copa Del Rey Lagu Qabto Santiego Bernabeu

Barcelona & Athletic Bilbao Oo Doonaya In Finalka Copa Del Rey Lagu Qabto Santiego Bernabeu


Santietgo

Barcelona iyo Athletic Club ayaa si wadajir ah u doonaya in finalka Copa del Rey lagu ciyaaro garoonka Santiego Bernabeu xili labada kooxood ay si wadajir ah ugu soo gudbeen finalka habeenki xalay ahaa.

Barcelona ayaa natiijo isku mid ah ku garaacday Villarreal labadii lug ee semi finalka iyadoo isku darka labada kulan guul kaga gaartay 6-2, halka Athletic Club ay iyana wadar ahaan 3-1 kaga soo gudubtay Espanyol.

Macalinka Barcelona Enrique ayaa ka dhawaajiyay inuusan waxba ka qabin meel walba oo lagu ciyaaro tartanka, balse wuxuu ka dhawaajiyay in Iniesta uu u sheegay Santiego inuu yahay garoonka ku haboon oo ay kubad wanaagsan ku ciyaari karaan.

Sidoo kale madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa ka dhawaajiyay iney muhiim tahay in la helo garoon weyn oo ay soo xaadiraan taagerayaal badan, isla markaan aan aheyn Camp Nou, wuxuuna u arkay Santieto bernabeu.

Si kastaba Madrid ayaan arintaan ka hadlin iyadoo afkeeda qabsan doonta ilaa ay warqad codsi ah ka helaan xiriirka Spain taasoo looga codsanayo in lagu ciyaaro finalka garoonkaas.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>