Wargeska AS ayaa ka dhawaajiyay in kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ay isugu soo hareen loolanka loogu jiro saxiixa xidiga ka tirsan xulka Colombia iyo naadiga Fiorentina Juan Cuadrado.
Madaama laacibkan kooxdii iibsato bisha Janaayo uu koobka horyaalada Yurub u cayaari karo waxay labadan naadi wada hadalo kala gooni ah la bilabeen madaxda Fiorentina sidii ay ugu qancin lahaayeen in Juan Cuadrado laga iibiyo.
Kooxda Fiorentina waxay horey u dul dhigtay xidigan awooda badan €40m balse haatan waxaa la sheegay inay aqbali doonto qiimo ku dhow ama ka yar €35m waana sababta keentay in Madrid ay kusoo biirto loolanka xidigan oo ay horey Barcelona kali ku ahayd.
Real Madrid haatan waxay heesataa xidigaha garabka midig ku wanaagsan Dani Carvajal iyo Alvaro Arbeloa balse macalin Ancelotti ayaa dalbaday in Cuadrado loo soo gacan galiyo madaama ay kooxdiisa loolan adag ugu jirto hanashada La Ligaha iyo difaacashada koobka horyaalada Yurub.
Halka Barcelona ay u aragto in Cuadrado uu su adag booska Dani Alves u buuxin karo hadaba la arki doonee kooxda saxiixa mashiinka reer Colombia ku guuleesato.