Home » Europe » Champions League » Barcelona Oo Berlin Ku Garaacday Juventus, Xili Neymar, Rakitic & Suarez Ay Shabaqa Gaareen, Barcelona Waa Horyaalka Yurub

Barcelona Oo Berlin Ku Garaacday Juventus, Xili Neymar, Rakitic & Suarez Ay Shabaqa Gaareen, Barcelona Waa Horyaalka Yurub


Barc

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Neymar, Luis Suarez iyo Ivan Rakitic ayaa Barcelona u hogaamiyay iney finalka koobka Horyaalada yurub ku garaacdo Juventus ciyaar 90-kii daqiiqo ee logu tala galay kusoo dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Bulgarana.

Alvaro Morata aya goolka agoonka ah ee Juventus u dhaliyay inkastoo aysan waxba u tarin xidigaan reer Spain ee da’da yar wuxuuna ku guuldareestay inuu sanadkii labaad oo xiriir ah Champions League ku guuleysto.

Ivan Rakitic ayaa bilaabay bandhiga goolasha Barcelona daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta markii uu kubad qurux badan ka helay Andres Iniesta inkastoo kubada uu markii hore soo dhisay Neymar JR.

Arturo Vidal ayaa kubad lasoo qurxiyay hawada sare mariyay markii uu goolka aadiyay, Alvaro Morata ayaana si qurux badan usoo qajilay Mascherano daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta.

Neymar JR aya jawaab deg-deg ah ka bixiyay fursadii ay heleen Juventus markii uu kubad awood leh hawada sare mariyay inkastoo uu ku jiray xerada ganaaxa daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta.

Lionel Messi ayaa kubad qiyaano aheyd u gudbiyay Neymar JR balse xidiga reer Brazil uma suuragalin inuu gool ka dhigo kubadaas daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta.

Dani Alves ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Barcelona daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta markii uu goolka aadiyay kubad uu si tartiib ah hoos uga siiyay Luis Suarez.

Javier Mascherano ayaa hos itaagay kubad halis noqon laheyd hadii ay gaari laheyd Carlos Tevez iyadoo kubada uu dhiibay Pogba balse xidiga reer Argentina ayaa hor istaagay oo banaanka u saaray.

Qalad uu sameeyay Jordi Alba ayey Barcelona ciqaab ku muteysan rabtay markii kubad laga buundeeyay uu helay Claudio Marchiso kaas oo kubad gantaal ah meel birta kore u dhaw mariyay daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta.

Luis Suarez ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Barcelona daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta markii uu kubad joog hoose ah goolka aadiyay, birta geesta midig ayey sheeda ka martay.

Mar kale Barcelona ayaa u dhawaatay iney hesho gool markii ay isku dayeen iney ka faa’ideystaan qalad ay sameeyeen xidigaha Juve, isku dhiib-dhiib yar kadib Suarez ayaa kubad xoogan goolka aadiyay balse Buffon ayaa iska saaray daqiiqadii 41-aad.

Buffon qalad uu galay ayey Juventus ciqaab u mari rabtay daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta markii uu kubad meel goolka u dhaw ka siiyay Neymar inkastoo ay geesta koornada aheyd hadana kubad uu gaarsiiyay Suarez ugama faa’ideyn kooxdisa.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Barcelona, inkastoo kooxda uu hogaamiyo Luis Enrique ay laheyd hogaanka sare qeybta hore.

َQeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo Barcelona ay si xowli ah ku bilowday, kubad weerar rogaal celis halis ah ayey soo qaadeen Barcelona Suarez ayaana kubad goolka aadiyay qatar aheyd balse Buffon ayaa ka diiday daqiiqadii 48-aad ee ciyaarta.

Lionel Messi ayaa baasas mucjiso ah la wadaagay bah wadaagiisa Suarez iyo Neymar inkastoo ugu dambeyntii uu kubad awood leh shabaqa goolka aadiyay balse kor ayey ka martay daqiiqadii 50-aad.

Alvaro Morata ayaa barbaro u keenay Juventus daqiiqadii 55-aad ee ciyaarta markii uu dhameystiray kubad uu soo tufay goolhaye Stegen, Marchisio ayaa si fiican uga soo shaqeeyay iyadoo Lichtsteiner uu kubad ku caawiyay Tevez kaas oo kubadii uu goolka aadiyay ay sababta in Morata uu helo.

Carlos Tevez ayaa kubad hawada sare geeyay markii Juventus ay soo qaaday weerar kale oo halis ah waxeyna u muuqatay koox soo rogaal celisay.

Luis Suarez ayaa hogaanka u dhiibay Barcelona daqiqadii 69-aad ee ciyaarta markii uu dhameystiray kubad uu so tufay goolhaye Buffon, inkastoo Messi uu aha ninkii kubada ku tuuray goolka ka hor inta uusan goolhaye Buffon iska soo saarin.

Neymar JR ayaa isku dayay inuu qiyaano garsoorayaasha markii uu gool ku dhaliyay gacanta inkastoo kusoo celiska kaamirada ay u muuqatay mid aan ku talagal aheyn balse ma noqon in loo ansixiyo daqiiqadii 71-aad.

Paul Pogba ayaa u dhawaaday inuu barbaro keeno Juventus daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta markii uu madaxeeyay kubad koorne aheyd oo uu soo laaday Andrea Pirlo.

Gerrard Pique ayaa u dhawaaday inuu dilo rajada Juventus ee ciyaarta daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta markii uu helay kubad lama filaan ah balse hawada ayuu mariyay.

Neymar JR ayaa soo afjaray Noloshii Juventus ee ciyaarta markii uu dhaliyay gool aan la baasan daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray dhamaadkeeda.

Barcelona ayaa guul ku gaartay Berlin iyadoo koobkeedii afaraad ee Champions League-ga ku guuleysatay waxeyna 3-1 kaga qaaday kooxda Juventus.

Juventus waxey markeedii afaraad oo isku xigta lumineysa Finalka koobka Horyaalada Yurub waana laga qaaday kulankii xalay ka dhacay Berlin.

Barcelona waa Boqorada Yurub, waana koxda kaliya ee sameysay in laba jeer lagu guuleysto sadexley koobab ah ama treble (2009 iyo 2015) ayeyna sameeyeen.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>