Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo Cadeysay Nuuca Dhaawaca Dani Alves & Mudada Uu Maqnaanayo

Barcelona Oo Cadeysay Nuuca Dhaawaca Dani Alves & Mudada Uu Maqnaanayo

340296_heroa

 

Barcelona ayaa war naxdin leh ka heshay dhaqaatiirta Brazil markii loo sheegay in xidigooda Daafaca midig uu dhaawac yahay isla markaana mudo uu garoomada ka maqnaan doono.

Dani Alves ayaa ka maqnaan doona Barcelona mudo 10 maalmood ah waxaana xidigaan uu ku biiray liiska xidigaha dhaawaca ah ee Catalonia.

Xavi Heranndez, Lionel Messi, Cesc Fabregas, Valdes, Gerard Pique iyo Jordi Alba kuwaas oo dhamaantood dhaawac kaga maqnaan doona Barcelona kulamada ugu soo horeeya.

Sidoo kale da’yarka xulka Spain Tello ayaa maqnaan doona kulanka sabtiga ee Granada ay la ciyaari doonto Barcelona.

Dhaawaca Alves ayaa ah mid muruqa ah sida ay shaaciyeen dhaqaatiirta Brazil.

Sidoo kale Alves ayaa maqnaan doona kulamada Ajex iyo Granada ee isbuucyada soo aadan ay lakala ciyaari doonto Barcelona Kulamada Champions League iyo La Liga.


Waxaa Aqrisay: (84)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>