Wararka ka imaanayo dalka Spain ayaa sheegayo in kooxda Barcelona ay haatan dabal xoogan ku heyso Ander Herrera oo kusoo baxay xidig muhiim u ah Man United hormarka ay sameesay biloowinkii ugu dambeeyay.
El Mundo Deportivo ayaa sheegtay in Barcelona ay Herrera saxiixiisa u dooneyso inay galiso booska halyee Xavi Hernandez oo xagaagan Camp Nou macsalaameyn doono.
Sidoo kalena Herrera wuxuu badal u noqon karaa Andres Iniesta oo isagana haatan sii gaboobayo sidaa darteed Barcelona ayaa ahmiyad gaar ah siin doonto saxiixa Herrera oo qaab cayaareedkiisa wanaagsan caalamka tusay bilihii ugu dambeeyay.
Barcelona waxay Herrera ku raad joogtay tan iyo yaraantiisii markii uu naadiga Real Zaragoza balse uma suuea galin inat gacanta kusoo dhigto.
Inkastoo Barcelona xagaagan suuqa Yurub ka ganaaxan tahay waxay kooxdan dooneysaa inay usii kuur gasho hormarka uu sameenayo Ander Herrera sidoo kalena ay lacago badan kusoo iibsato horaanta sanadka dambe ee 2016.